Xisbiga WADDANI: Kow Dheh Sheekada, Masas Baad Kiish ku Sidataaye. By; Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)

0
534

Xisbiga WADDANI: Kow Dheh Sheekada, Masas Baad Kiish ku Sidataaye. By; Cabdilaahi Aadan Cumar (Wayab)

Waxa indhawaallaba dal iyo dibadba si ballaadhan loogu falanqeynayey fagaarayaasha siyaasadda xubno kooban oo ku soo biiray Xisbiga Waddani oo uu hoggaaminayey Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo horena gadh-wadeen uga ahaa kooxdii Wasiirrada ahaa ee isku saacadda iskood uga wada dareeray Xukuumaddii ay haaneedka u hayeen.

Tallaabada labaad ee xubnahani ay u qaadeen dhinaca siyaasadda oo ay muddo dadaal ugu jireen in koox ahaan aanay kala go’in, balse mar dembe la kala xidhiidh furtay, ayaa xubnihii ka hadhi kari waayey hoggaamiyahooda Xirsi isku soo shubeen Xisbiga Waddani oo malaha ka dhex arkeen inay ka heli karaan danahooda siyaasadeed oo siduu Maxamad Biixi Yoonis-ba sheegay aanu mansab ka hooseeya Madaxweyne u soo doonan Xisbiga uu ku soo biiray, inkastoo aanay taasi dhicin oo C/raxmaan Cirro cidi kula tartamin xilka u taratanka jagada Madaxweynaha.

Si kastaba ha ahaatee . waxa iyana dareen laga bixiyey is-muujintii , mashxaraddii iyo durbaannadii ka baxayey goobtii xafladdu ka dhacday oo sawaxankii iyo saansaantii ka muuqatayba la mid ahaayeen munaasabadihii kacaanyahannada oo kale ee baabuurta gelbiska ah lagu keeni jiray goobaha xafladaha. Halkaa dhaafin maayo faallaynta guud ee madashii Xirsi loogu caleema-saaray hoggaamiyaha Xisbiga Waddani. Sidoo kale waxa laga ansixiyey ergooyinkii golaha Dhexe kaalinta jagadaa cusubi ku yeelan doonto Xisbiga, hadday aqbalaan guddiga diiwaangelinta iyo qiimeynta Xisbiyadu, iyagoo mar walba u eegi doona xeer Lam. 14.

Arrinka falanqeyntiisu ugu hadal haynta badnaa waxa uu ahaa kaalinta Hoggaamiyaha Xisbiga ee Xirsi lagu soo dhaweeyey oo weli aan la garan meesha uga bannaan Hoggaamiye Xisbi nidaamka siyaasaeddeed ee aan qaadanay oo ah ka nooca Mareykanka ee[ Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen],iyo nidaamka axsaabta oo yeelanaya Guddi hoggaamineed oo leh Guddoomiye iyo ku xigeen iyo tan kale ee ah hoggaamiyaha oo ay ku dhaqmaan sida badan dalalka nidaamkooda siyaasadeed yahay ka [Ra’iisal Wasaaraha] Xisbiyaduna yeeshaan Hoggaamiye iyo Guddoomiye,sida Boqortooyada Ingiriiska oo kale, taasoo uu Hoggaamiyuhu yahay qofka isku soo taagaya u tartanka jagada Ra’iisal Wasaaraha, iyadoo uu Guddoomiyaha Xisbiguna noqonaya ka maamula hawlaha diyaarinta qabshada shirarka iyo hawlaha Maamulka sida shaqaaleynta hawlwadeennada shaqada Xisbiga. Sidaa awgeed kaalin uga bannaan habayaraatee ma jirto hoggaamiye Xisbi nidaamka siyaasadeed ee aynu qaadanay ee Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen oo isla markaana ka lagu saleeyey Xeerka dhismaha Xisbiyada Qaranka ee dalka.

Waqtigii uu Xisbiga Kulmiye ku guuleystay doorashadii Madxtooyada ee 2010kii, waa kii Xirsi la siiyey xil ku cusbaa dalkeena oo sidii loogu dhawaaqay ahayd [ Chief of Cabinet] balse ka ku habboonaa in loogu yeedho u ahaa [Chief of Staff], waayo, Jagada hore ee [Chief of Cabinet] waxa ah Madaxweynaha, ka kalena waa ninka mas’uulka ka ah dhammaan hawlaha shaqo ee Xarunta Madaxtooyada, kaasoo aan xilkiisu u baahnayn in laga ansixiyo Golaha sharci dejinta, run ahaantiina Xirsi ilaa jagadaa loogu beddelay Wasiirka Madaxtooyada lama horgeyn ansixintiisa Golaha Wakiillada. Taa hore ee uu Xirsi soo hayey uma baahna ku noqod sidii uu jagadaa ugu xidhay illinkii loo mari jiray Madaxweynaha ee bal hadda kan cusub ee uu ula tagay Xisbiga Waddani ee loogu dhawaaqay Hoggaamiyaha Xisbiga oo isna uu maqalkiisu ku cusub yahay dhegaha bulshada iyo sidoo qaab dhismeedka Xisbiyadaba la arki doonee.

Subax dhaweyd oo aan goob ku kulanay dhawr Suxufi oo ah hal-doorka Warbaahinta, ayaa Saaxiibkay Xuseen Aw Jaamac Jibriil [Xagar] ayaa waxa uu ka sheekeeyey qiso dhab ah oo ka dhacday magaalada Burco, caana ka noqotay. Saaxiibkay waxa nooga sheekeeyey nin Cali-Suufi la yidhaa oo ku noolaa Burco, ayaa had goor jawaan ku sidan jiray Masaska noocyadoodu kala duwan yihiin, kuwaasoo uu mararka qaar intuu mid ka mida kusoo maro gacantiisa uu dadka qaar hadduu doono ku salaami jiray, si ay uga argagaxaan.

Ninkaas ayaa nasiibkiisa maalin maalmaha ka mid ah uu nin Jarmal ah looga warramay in Burco uu ku nool yahay nin masaska jawaan isaga sita oo aanay isaga waxba yeelin. Ninkii Jarmalka ahaa oo isaga laftiisu u baahnaa masaska Afrika, ayaa ka codsaday ninkii inuu la baadi doono ninka haya masaska si uu uga iibsado. Goob uu inta badan nasiino u ahayd Cali-suufi oo jawaanka masasku ugu jiraana isbarbar dhigi jiray ayey u soo dhaqaaqeen. Markuu sheedda ka arkay ninkii waday gaalka Jarmalka, ayaa intuu farta ku fiiqay halkii uu fadhiyey ku yidhi “Waan nasiib badanahay oo ninkii hayey masasku waa ka geedkaa hoos fadhiya.”

Siday u socdeen ayey dul-istaageen Cali-suufi oo jawaankii masasku ka buuxeena dhinac yaalo. Salaan kadib, waxa uu ninkii reer Burco ee waday ninka Jarmalka u sheegay Cali-suufi, inuu ninka Jarmal doonayo inuu ka iibsado masaska uu soo qabqabtay. Cali-suufi oo hadalkaa ku farxay ayaa ugu jawaab celiyey inuu ka iibinayo intuu u baahan yahay, wuxuuna u sheegay tiradii jawaanka ugu jirtay oo dhammayd 36 Mas[Lix iyo soddon mas.] Ninkii Jarmalka ahaa ayaa ka dalbay Cali-suufi inuu bal masaska tuso noocyadooda, taasoo uu Calina intuu si degdegga u sarakacay oo dabadeedna intuu kor u qaaday u furay afkii jawaanka.
Ninkii Jarmalka ahaa waxa uu masaskii iska reebay 6 [lix] kaliya oo uu u arkay inay ahaayeen noocyada ugu halista badan.

Qiimihii markii lagu heshiiyey gorgortan dheer kadib, ayuu ninkii Jarmal ka soo saaray jeebka dembe boorso cas oo lacag Dollar ah ugu jirtay. Markuu soo saaray lacagtii ee uu damcay inuu u tiriyo, ayaa Cali-suufi oo aan horeba u arag Dollarka uu ku yidhi ninkii reer Burco,[ Waar anigu badaw baan ahay keymahaa isaga jira oo ma kala aqaan Doolarkee, waxad u sheegtaa ninkan saanta-cad inaan lacag soomaali doonayo.] Ninkii reer Burco ee gadh-wadeenka u ahaa Jarmalka, ayaa Cali-suufi u sheegay inuu isagu uga beddelayo sarriflayaasha isla imikaba, isagoo ninkii Jarmalna u turjumay hadalkii Cali oo uu si aad ah ugu qoslay ninkii Jarmalka ahaa.

Bakhaar weyn oo kuwa raashinka ah ayaa looga sarrifay lacagtii oo waqtigaa ahayd tii Giimaabrta loo yiqiin. Markii rabdado isku xidhxidhan oo aad u tiro badan laysku dul-dhigay ee loo tiriyey ayuu Cali-suufi si farsamo ah jawaankii oo lixdii mas ee khatarta badnaana ku dhex jiraan ugu gurtay lacagtii isla jawaankii, masakiina dusha soo mariyey, dabadeedna intuu afka ka xidhay jawaankii oo degta u soo ritay la sii lugeeyey ilaa qol yar oo uu u hoyan jiray oo ah kuwii la dhisay waqtigii Ingiriiska.

Waxba yaanan hadalka idinku daaline, laba tuug oo bakhaarkii kas oo raacay Cali-suufi, ayaa iyana u soo horfadhiistay makhaayad yar oo ka soo horjeeday qolkiisa. Jaad ayaa Cali-suufi ka soo iibsaday makhaayadii labada tuug u soo fadhiisteen. Markuu si wacan u mirqaamay ee jaadkiina dhammeystay, ayaa intuu soo qufulay albaabkii qolka uu u casho tagay hudheel ka yara durugsanaa. Labadii tuug ayaa iyana markiiba soo daba-maray oo si dhakhsaha u jebiyey qofolkii yaraa, si degdehsiinyo lehna ula soo booday jawaankii oo kula dhaadhacay dooxii Burco.

Lixdii Mas oo sufuudhii lacagta cadho ka qaaday ayaa cadho darteed iyagii fajaaso iskala daaleen, ayey labadii tuug mar allaale markay xadhigii afka ka fureen jawaanka ee mid walba dhinac isyidhi qabo ayey labadoodu mid kastaba dhawr jeer oo degdegga dheg-dheg kaga siiyeen, isla goobtiina uu mid walba ku dhacay bartii uu taagnaa, sidaana kaga baxday naftii. Cali-suufi oo horeba habeenimadii u sheegay dad badan in aanay ka macaashi doonin cidda ka xaday lacagtii, ayaa markii waagu baryey loo sheegay in Booliskii jawaankii iyo lacagtii oo wax yar oo ay ka dhuf-dhufteen dadkii dooxa soo maray lagu hayo saldhigga.

Haddaba, markuu sheekadii dhammeeyey Saaxiibkay Xagar, ayaan anigu waxaan ku idhi “Waar waaba sheeko cajiib ah ee tolow Xisbiga Waddani ma dareensan yihiin inay soo xeraysteen masas iyo in horeba loo yidhi, ciddii masas korsataa iyagaa is malgay” Bal Xukuumaddii iyo xisbigoodii Kulmiye tii kala raacday waa loo joogee, tan cusub ee dembana aan sugno waqtigeeda.