Xisbiga Waddani Oo Markii U Horaysay Ka Haddlay Hirddanka KULMIYE‏

0
311

War-saxaafadeed
Hargeysa(Warsugannews)Jamhuuriyada Somaliland waa dal dimuqraadiya ah. isla markaan leh hanaanka xisbiyada badan, xisbi walbana waxaa ku waajib ah in uu qabsado shirkiisii Golaha dhexe si loo soo xulo musharaxiinta Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee uga qayb gelaya doorashooyinka.
Xisbiga KULMIYE waa xisbi Qaran oo umada Somaliland ka dhaxeeya, sida aynu la wada socono waxax dhawaan (10 November,2015) qorshaysan inuu qabsoomo shirkii Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.

Xisbiga WADDANI wuxuu rajaynayaa in shirka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE uu ku dhammaado guul iyo is-afgarad.
Waxa xusid mudan in aan xisbiga WADDANI kala jeclayn cidda ka soo baxaysa, isla markaana cid gaar ah taageersanayn, waxa aannu diyaar u nahay in aan tartan xor ah oo xalaal ah la gallno cid kasta oo ay soo saraan Gollaha dhexe ee xibiga KULMIYE.

Md: Maxamede Cabdilaahi Uur-cade
Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here