Xisbiga WADDANI Oo Saldhig Ay Ka Duulaan Ka Dhigtay Gudoomiye-nimada KULMIYE iyo Ismaaciil Buubaa Oo Ku Dhac La’aan Ku Eedeyey KULMIYE

0
340

Xisbiga WADDANI Oo Saldhig Ay Ka Duulaan Ka Dhigtay Gudoomiye-nimada KULMIYE iyo Ismaaciil Buubaa Oo Ku Dhac La’aan Ku Eedeyey KULMIYE

Hargeysa (Warsugan) Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI oo maalmihii ugu dambeeyey siyaasad ka dhigtay xilka gudoomiyaha xisbiga KULMIYE ayaa mar kale goob fagaare ah ka sheegay in aanu xisbiga KULMIYE lahayn ku dhac siyaasadeed, gaa ahaana wareejinta gudoomiyenimada xisbiga.

Siyaasiga Ismaaciil Maxamuud Hure Buubaa oo oo ka hadlayey munaasibad hadhimo sharafeed ah oo loo sameeyey gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbniga WADDANI ayaa hogaanka xisbiga KULMIYE ku tilmaamay kuwo aan ku dhacayn lahayn, isla markaana aan wareejin karin hogaanka xisbiga.

Siyaasi ismaaciil Buubaa oo mudooyinkii ugu dambeeyey siyaasada Somaliland si weyn uga soo hor jeeday, isla wakhtigana ka tirsan xisbiga WADDANI ayaa yidhi “KULMIYE caqabado culus ayaa maanta hor yaala haday ku dhac leeyihiin bal tan oo kale haku dhaceen, waynu ogsoonahay ku dhacaasi inaanu meesha oolin bal waa loo fadhiyi doonaa”

Wereejinta gudoomiyenimo ee xisbiga WADDANI ee lagu wareejiyey Cabdiqaadir Jirde ayaa noqotay siyaasad uu ka shidaal qaato xisbiga WADDANI tan iyo markii si rasmi ah loogu wareejiyey.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Somaliland/Office