Xisbiga Waddani Sidani Tolow Ma Ka Runbaa, Mise Waa Ka Hagardaamo?

0
392

Xisbiga Waddani Sidani Tolow Ma Ka Runbaa, Mise Waa Ka Hagardaamo?

Waxaynu la soconaa in muddooyinkii u danbeeyey xisbiga waddani caadaystay weedho lafjab ku ah qaranka Somaliland iyo Shacbigiisaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin labadii dhacdo ee u danbeeyey ee safarka Jabuuti iyo Safarka Imaaraadka Carabta ee Madaxweynuhu wakhtigan ku maqanyey oo guud ahaanba xisbiga waddani uu dhan ka istaagay, rayigayguna uu yahay aniga inay qalad ka fahmeen arrimahaasi. Aan idin kala qalo labadaa qodob, kuna horreeyo safarkii Jabuuti ee Madaxweynaha iyo asxaabta mucaaridka lagu casuumay.

Sida aynu la wada socono Madaxweynaha Somaliland iyo Weftigii uu hogaaminayey ee martiqaadka rasmiga ah ka helay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Mudane, Ismaaciil Cumar Geelle oo markii afraad shacbigiisu u doorteen inuu hogaamiyo dalkaas, ayaa si sharaf iyo milgo leh waxa uu martiqaad ugu fidiyey Madaxweynaha Somaliland iyo xubno ka mida Wasiiradiisa, xisbiyada qaranka iyo haldoorka Somaliland. Markii madaxweynuhu ka duulay Hargeysa waxa Safarkiisa ku wehelinaayey xisbiyada mucaaridka waddani iyo ucid. Markii ay gaadheen Jabuuti weftigii madaxweynuhu waxa si weyn u soo dhaweeyey wasiirka wasaaradda maaliyada Jabuuti, waxaana madaxweynaha loo gelbiyey halkii loogu talo-galay,

 Markii la gaadhay xafladii caleemo saarka, waxa madaxweynaha Somaliland lagu qaabiley habmaamuuskii ay lahaayeen madaxweyneyaashii ku sugnaa madasha oo dhamaantood inta sarkaal sare oo ah taliyaha ciidanka ilaalada madaxtooyada Jabuuti oo lagu magacaabo Maxamed Jaamac (MJ) uu madaxweynaha salaan sharaf siiyey, kuna wareejiyey masuuliyiintii iyo habmaamuuskii madaxweyneyaasha u qaabilsanaa xafladaasi, ka dibna madaxweynuhu uu salaan sharaf madaxweyne ka qaatay ciidamada dalka Jabuuti ee maalintaasi u darbanaa tixgelinta iyo waajibaadka madaxweyneyaashu markay tagaan dal shisheeye oon kooda ahayn. Haddaba waxa intaasi soo raacda in xisbigii waddani uu arrintii siyaasadeeyey oo uu ka dhigay mid meel lagaga dhacay sumcadda madaxweynaha iyo dalka Somalilandba, balse waxay illaaween in madaxweynaha Jabuuti ahaa kii inna soo xusay ee inna sharfay maalintaas. Haseyeeshee qalad ka dhacay fadhigii madaxweynaha, ma ah in loo nisbeeyo qaran ay innaga dhaxayso jaarnimo iyo walaalnimo guun ahi, mise ma ah?. Waxanan ku talin lahaa in xisbiga waddani ka noqdo oo uu raaligelin ka bixiyo arrintaasi, madaama ay yihiin xisbi siyaasi ah oo berri u tartamaya madaxtimimada dalka. Mana ah inay colaad iyo mixnad kala dhex dhigaan laba shacbi iyo laba dal oo walaalo ah iyo weliba laba madaxweyne oo xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo, oo aynu ognahay halka uu soo gaadhay intii madaxweyne siilaanyo xilka hayey, balse xisbiga Waddani u muuqdo inuu beleeyo xidhiidhkaa iyo walaalnimada.

 Ta labaad een jeclahay in aan ka hadlo waxay tahay heshiiska heerka caalami ah ee madaxweynuhu qaranka Somaliland u soo hooyey muddo 25 sano oo uu ahaa dal dulman oo aan aduunka ka helin wixii ay xaqa u lahaayeen. Balse dedaal iyo samir dheer ka dib maanta waxa uu helay midhihii qaranku ku faani lahaa ee uu dhaqaale iyo dhismeba ku gaadhi lahaa, taas oo ah heshiiska uu la saxeexaday shirkada adduunka ugu magaca weyn ee aad ka looga qadariyo, laguna magacaabo Dubai Port World. Haddaba, waxa wax lala yaabo ah in xisbiga Waddani uu shacbiga Somaliland majaro habaabiyo oo uu ku baaqo kicin iyo mudaharaado laga dhaxlo fawdo. Waxana is waydiintu tahay haddii xisbigii waddani wax walba u arkay xumaan, siyaasadiina ka gashay meel aanay ku jirin, maxaa u qorshe ah? Maxaase lagaga talogelayaa tolow?, illayn waatanoo dadkii iyo dalkiiba wax walba u diid’ee?.
Waxa xusid mudan in waddani wado fidmada iyo kala fogaanshaha labada dal ee Jabuuti iyo Somaliland, iyagoo dabada ka riixaya siyaasiyiin iyo dhalinyaro aan ka fekerin , arkina Karin siyaasada mustaqbalka.

Wa bilaahi Tawfiiq
By: Najiib Maxamed Cali
Jabuuti