Xisbiga Waddani wuxuu noqday hasha geela cunta ee haddana cabaadda!

0
472

Xisbiga Waddani wuxuu noqday hasha geela cunta ee haddana cabaadda!

Xisbiga Waddani wuxuu maanta aad uga gubtay, kaaderiintiisii oo dhamina ay sida fiinta uga qayliyeen, shir shalay ka dhacay Burco oo madaxweyne Siilaanyo fadhiyey, kaas oo hoggaanka dhaqanka ee jufada uu yahay Xirsi Cali ay taageero ugu muujiyeen Kulmiye, Xirsina ku tilmaameen nin kaligii cidlo maraya.

Su’aashu waxay tahay Waddani ma waxay ka xanaaqeeyn in arrimo beeleed meesha lagaga hadlay, mise in lagala hoos baxay beeshii uu Xirsi ku faanayey in uu gacanta ku hayo. Aniga waxay ila tahay in jawaabtu tahay baroortu orgiga ka weyn!

Qabiilka waynu wada nahay, qabyaaladdu waxay tahayna waynu garanayaa. Haddii Xisbiga Waddani leeyahay qabyaaladdii iyo siyaasaddii waan kala saaray oo mar dambe ma adeegsanayo qabyaalad, waxay iila muuqataa arrin macquul ah oo lala eegi karo. Haddiise uu isagii hormood u yahay qabyaaladda waa u doqoniimo in uu xisbiyada kale ku caayo. Horaa loo yidhi Dhiggaaga ha ku dhibsan wixii dhaqan kuu ah.

Haddii aad u fiirsato tallaabo kasta oo xisbiga Waddani qaado waxay ku arooraysasa qabiil. Shalay bay ahayd markii Guddoomiye Cirro uu yidhi waxaan shirinayaa Garxajis oo Ciidagale iyo Habaryoonis ayaan midaynayaa, shirkaa xitaa suldaankii guud ee Somaliland ayaa ku gacan saydhay. Shalay bay ahayd markii Guddoomiyaha Waddani shaashadaha la soo joogsaday Guddoomiyihii Xisbiga waxaan uga tegi doonaa beesha Arab. Shalay bay ahayd markii uu Xirsi hudheelka Fish and Stake House kula shiray dhallinyaro uu Hargeysa ka soo ururiyey kuna sheegay in ay yihiin beesha Solimadow oo taagertay ku biiridiisa Waddani. Shalay bay ahayd markii halgamaagii unkay xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed dibadda looga tuuray xisbigiisii, laguna beddelay nin cirka ka soo dhacay oo aan maalin kaliya xisbiga wax ku darsan, weliba loogu daray aflegaado iyo dhagax madaxa lagala dhacay qabyaalad darteed. Ilawsho dhawaa waddani ma ummul baa?

Madaxweynaha Qaranka maaha oo kali ah in laga filayo in uu xisbigiisa taageero laakiin waajib bay ku tahay in uu sameeyo dedaal kasta oo uu xisbigiisu ku soo baxayo. Waajib bay ku tahay in cid kasta oo uu u arko in ay taageero u hayso uu yidhaa xisbigaygii iyo taariikhdaydii badbaadiya… Maxaa ku jaban? Miyaanay ogayn sidii Barack Obama, xaaskiisa iyo carruurtu ay habeen iyo maalin uga ololaynayeen Hillary Clinton. Ma cid baa ku tidhi Obama dhexdhexaad noo noqo hadhow baad doorashada na kala saari doontaaye.

Madaxweynaha qaranku marka uu wax maamulayo waa ku waajib in uu dhexdhexaad ahaado, laakiin marka uu tartan ku jiro dhexdhexaadnimo waajib kuma aha. Waxa xaq loogu leeyahay in uu hantida qaranka ka dhawro ololaha. Dhexdhexaadnimada doorashadu waxay waajib ku tahay Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Garsoorka qaranka.

Xisbiga Waddaniyoow haddii aad qabiil-diid tahay, waa saxe adigu Tusaale noqo xisbiyada kalena way kugu dayanayaan, shacbiguna waa kugu taageerayaan. Haddiise arrinkaagu yahay “Magaalo qayrkaa u cay adiguna ha dayn” kaa socon mayso, waa lagugu fahmayaa!

Ismaaciil Cabdi Warsame

London, UK
ismaaciilcw@gmail.com