Xog Ku Saabsan Xarunta Xananaynta Caruurta Urtehagen Ee Magalada Burco Iyo Baaqii Maamulka Gobolka Togdheer

0
572

Xog Ku Saabsan Xarunta Xananaynta Caruurta Urtehagen Ee Magalada Burco Iyo Baaqii Maamulka Gobolka Togdheer

Burco(WSN):Xarunta Xanaaneyta Caruurta Ee URTEHAGEN Ee Magaalada Burco Ee Xarunta Gobolka Togdheer Kutalaa Waxa La Aasasay Sanadkii 13/6/2013-Kii Fikirkan Lagu Aasaay waxa Lahaa Dr Norwegean Oo Lagu magacaabo Dr Cali Waxaa Xarunta Mudo Dheer Ku Jirtay Guri Kiraa Oo Ku yaalay Badhtamaha Magaalada Burco .

Kadib Mudo Dheer Xarunta Xanaaneyta Caruurta EeURTEHAGENWaxaa Dhul Banaan Oo Ku Yaala Waqooyiga Bari Ee Magaalada Burco Ka Siiyey Maamulka Dawlada Hoose Ee Degmada Burco Taasi Oo Waxa Badan Ka Badashay Hanaankii Xaruntan Waxaana Mudo Yar Ka Dib Loo Hir Galiyey Dhismayaal Kala Duwan Oo Xarunta Si Gaar Ah U Leedahaay.


Waxaana Xaruntu Isku Jirta Dhowr Qaybood Oo kala Ah: Caruurta Yar Ee Agoomahaa Oo Si Joogtaa Lagu Dhigo Qur aanka Kariimka Ah Iyo Waxbarashada Maadiga AH Oo Ka Dhigtaan Dugsiga Al Mustaqbal Ee Magaalada Burco Iyo Qayb Dhawaan La Furaayo Oo Ah Qaybta HANDICAP ah Waxaana Sid Mudan In Wax Lagu Baro Dadka Waaweeyn Goob Kamida Xarunta Galinka Dambe Waxaana Xarunta Majaraha U Haya Maamulkeeda Shasiyaad Kaalin Muhiim Ah Kaga Jira Bulshada Gobolka Togdheer Oo Isku Jira Dhakhaatiir, Aqoon yahano Culimo Ayaa Gcaanta Ku Haya XaruntaURTEHAGEN.






Maamulaha XaruntaURTEHAGEN Ee magaalada Burco Foosiya Janaale Ayaa Ka Warbixasay Marxaladii Kale Duwaan Ee Xaruntu Soo Martay Iyo Wax yaabaha U Qorsheesan Habka Lagu Hagi Doona Xarunta Xanaaneyta Caruurta URTEHAGEN waxay tidhi “Waxaa Xaruntan Laga Furay Magaalada Burco13/6/2013-Kii Waxa Xarunta Lagu Xanaaneeyey Caruur Agoomo iyo Darbi Jiif Da’doodu Ay U Dhaxayso 6 bilood Ilaa 15B Sano, Wxaa Markii Hore XaruntaURTEHAGENLagu Furay Caruur Tiradoodu Tahay 20 Caruur AH Oo Lagu Daryeelay Waxbarasho Iyo Nolaal Aaad U Fiican Waxa Caruurta markii Hore Loo Kireeyey Guri Weyn Oo Lagu Daryeeli Jiray ,Caruurta Waxaa Lagu Soo Xulay Daafaha Magaalada Burco Dhamaan Inta Ay Ka Kooban Tahay Iyadoo Lagu Tix Galinaayo Caruurta Gobolka Togdheer Dhamaantood,Sanad Iyo Badh Kadib Waxa Loo Dhisay Xaruntan Maanta Joogno Qaybtii Koowaad Oo Hada Lagu Daryeelo Kotan Caruur Ah Oo Isku Jira Wiilal Iyo Hablo,Qorsha Daryeelka Iyo Waxbrashada Ee Caruurta Loogu Tala Galay Waxay U Mudeesan Tahay Ilaa Intan Ka Dhameenayaa Dugsi Sare Wakhtigaa Wixii Ka Dambeeyey Caruurta Waxa Lagu Celi Doonaa Guryahooda Hayeeshee Cid Aan Waalid Ama Cid Kale Lahayn In Si Gaar Loo Sii Ahayn Doono Insha Allah”Ayey TidhiFoosiya JanaaleMaamulaha XaruntaURTEHAGEN Ee magaalada Burco



Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Deegaanka degmada Burco Muxumed Xasan Jaamac Xoday Ayaa mar Uu Ka Hadlayey Munaasibada Loo QabtayXarunta Xanaaneyta Caruurta EeURTEHAGEN Waxa Uu Bogaadiyey Habka Iyo Hanaanka Loo Wado Xarunta URTEHAGEN Waxaanu Yidhi “Aad Aad Bana Ugu Mahad Celineynaa Cid KastA Oo Arintaa Ka Qayb Qaadatay Waana Soo Dhaweeyneynaa Cidska Oo Reer Burcaa Horumarka Ama Ta Gobolka Hanoqoto Ama Dadka Jicsan “Ayuu Hadalkiisi Ku Soo Gabagabeeyey Gudoomiye Ku Xigeenka Golaha Deegaanka degmada Burco
Dhinac Kale Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer Maxaed Diirye Xayd (Daljir) Ayaa Bulshada Ugu Baaqay Iney Ka Qayb Qaataan TaageeridaXarunta Xanaaneyta Caruurta EeURTEHAGEN Waxaana Yidhi “In Cid Waliba Ka Qayb Qaadato Hawshaa Schoolka Taala Iyo Ubadkaa Yaryar Ee Aynu Arkeeno Maanta Oo Gacan Ku Siino Oo Af Iyo Adinba Aynu Ka Qayb Qaadano”Ayuu Yidhi Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer
Waxaa Xaruntaani Kaalin Muhiim AH Kaga Jirtaa Guud ahaan Gobolka Togdheer Taasi oo Ka Si Cad Bulshada Ku Dhaqan Magaalada Burco uga Mahad Celiyeen Si Wanaagsan Ee Lagu Xanaaneyo Caruurta Agaamaha Waxaana Xiliyo Kale Duwan Booqday Xarunta Marwada Koowaad Ee Madaxweynaha Somaliland Qaar Kamida Golaha Wasiirada Somaliland Maamulka Togdheer Iyo Kan Degmada Burco Wxaayna Boogaadiyey Hanaanka Loo Xanaaneyo Caruurtan Kale Duwan Ee Xarunta URTEHAGEN Lagu Hayo


Gabagabadii Waxaana Caruurta Maalmaha Fasaxyada Ah La Geeyaa Goobaha Hotelada Ah Iyo Iyo Meelha Dalxiisyada Loo Tago