XOG: M/weyne SOMALIYA Goormee ayuu la Wareegayaa Villa Somalia…

0
349

Waxaa weli socda diyaargarowga lagu doonayo in madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo salka dhigto xarunta Madaxtooyada Villa Somalia.
Madaxweyne Farmaajo oo si kumeelgaar ah uga howlgala hotelka Jazeera muddo toddobaad ah ayaa lagu wadaa inuu berito ku shaqo bilaabo Villa Somalia.
Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Sheekh Maxamuud iyo shaqaalihiisa ayay ku qaadatay inay isaga huleelaan xarunta madaxtooyada ee looga arrimiyo Soomaaliya. Waxaa hore loo filayay in Arbacadda maanta uu madaxweyne Farmaajo ku wareego madaxtooyada, laakiin 24 saacadood ahaa ayaa qorshahaasi ku dhacay.
Caleemo saarka ayaa isaguna dhici doona 22-ka bishan laba toddobaad kadib markii xilka loo doortay, iyadoo xafladaasi lagu casuumay madaxda IGAD oo ay ku jiraan dalalka safka hore.