XOG: Saddex Arrin Oo Suurtagelin Karta In La Doorto Sheekh Shariif (Akhriso)

0
362

Sheekh Shariif Sheekh Axmed waxa uu kamid yahay musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna ku jiraa ragga saadaalintooda la hadal hayo.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in haddii Saddex arrin la helo dib loo dooran doono Sheekh Shariif oo dowladdiisa wax badan lagu yaqaanay.
Sheekh Shariif ayaa dib loo dooran doona haddii uu helo:
1- Xiildhibaanno ka badan 150, inkastoo hadda la sheegayo iney jiraan tiro xildhibaanno ah oo isaga tageersan
2- Haddii uu bixiyo qarashkii ka baxay Xasan Sheekh mid ka badan si uu u gato codadka xildhibaannada
3- haddii uu la yimaado galaangal wanaagsan oo kala iibsiga codadka ah iyo sidoo kale kalsoonida xildhibaannada
Doorashada madaxweynaha waa ay soo dhowdahay, lama oga waxa ay saadaashu noqon doonto, waxaana xilli walbo laga war sugayaa cidda madaxweyne Soomaaliya u noqon lahay Afarta Sano ee soo aadan.