Xog-waran Uu Bixiyey Wiil u Dhalay Madaxweynihii Hore ee Uganda IDI AMIN DADA Oo ka Tirsan AMISOM-ta Muqdisho Ku Sugan

0
889

Xog-waran Uu Bixiyey Wiil u Dhalay Madaxweynihii Hore ee Uganda IDI AMIN DADA Oo ka Tirsan AMISOM-ta Muqdisho Ku Sugan

Muqdisho (Warsugannews)-Warbixin ciwaan looga dhigay ‘I am my Father’s son’ oo lagu daabacay wargeyska saddex biloodlaha ah ee AMISOM ayaa lagu xusay in wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Uganda Idi Amin hadda uu ka tirsan yahay ciidamada qalabka sida ee dowladda Somalia. Maxamed Amin oo 41-jir ah ayaa ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, waxaan dhashay hooyo Somali ah oo lagu magacaabo, Khadiija Aadan Ibraahim sannadkii 1974-kii. Khadiija iyo Idi Aamin ayaa waxay is-guursadeen horraantii sannadkii 1970-kii, intii Idi Amin uu ahaa madaxweynaha Uganda oo uu u xukumayay 1970-kii illaa 1979-kii “Markii aan koray, maan garanayn cidda uu ahaa aabbahay, Balse hooyaday waxay ii sheegi jirtay inaan ka mid ahayn qoyska Idi Amin Dada”. ayuu yidhi Maxamed Idi Amin. Sidoo kale, Maxamed ayaa sheegay in aanu caruurnimadiisii arag aabihii, maqnaanshihiisuna maqnaashaha aabbahood awgeedna ay isaga iyo walaashii la dhalatay ay reer abtigood soo koriyeen.

48758d2c295932e47ed42e6817cb1299_L“Hooyadey intii aan caruurta ahayn wax badan noogama sheekeyn jirin, laakiin dadka ayaa inta badn ii sheegi jiray inaan u ekahay aabbahay Idi Amin” ayuu yidhi Maxamed Amin oo wareysi siinayay Wargeyska AMISOM. Maxamed Idi Amin wuxuu sheegay meelaha qaarkood uga eg-yahay aabbihii, isagoo yidhi. “Maalin maalmaha ka mid ah anigoo raba inaan galo madaxtooyada Somalia ayaa waxaa i joojiyay ciidamada ilaalada madaxtooyada, waxay i weydiiyay inaan tuso baasaboorkeyga, iyagoo i moodayay inaan ahay Ugandan, balse waxaan u sheegay inaan ka tirsanay ciidamada xoogga dalka, anigoo Af Soomaali kula hadlay, markaas ayay i raalli-geliyeen oo ay is sii-daayeen.” Su’aal ah sida ay ugu suuro-gashay aabbihii oo madaxweyne ka ahaa Uganda in uu guursado haweeney Soomaali ah, caruurna ay u dhasho, kuwaasoo ah Soomaali ah ayuu kaga jawaabay. “Aabbahay wuxuu xidhiidh dhow la lahaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Jen. Maxamed Siyaad Barre. Isagoo si joogto ah u soo booqan jiray sannadihii todobaatameeyadii. Wuxuu degi jiray xerada ciidamada Lama-galaay ee Baladweyne.

Wuxuuna mararka qaarkood ku dabaalan jiray webiga Shabelle.” Isagoo sii hadalaya ayuu intaas ku daray. “Isagoo sannadkii 1971-kii ku sugnaa degmada Baladweyne ayay kulmeen hooyadey Khadiija, xiriir ayaana dhexmaray, ugu dambeynna waxay isku guursadeen sida ay qabto shareecada Islaamka.” Gabadh ka weyn Maxamed Amin oo lagu magacaabo Faadumo ayay aabbihii iyo hooyadii isku dhaleen sannadkii 1972-kii, taasoo hadda ku nool Britain. Laba sano kaddib 1974-kii ayuu dhashay Maxamed Amin. Inkastoo walaashiis Faadumo ay dibadda ku noolayd muddo dheer, haddana si joogto ah ayay u soo booqataa Soomaaliya, iyadoo marka ay dalka timaadana si gaar ah u caawisa hooyadeed oo waayeel ah oo haatan ku nool magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay. Haatan, Maxamed waa sarkaal ka tirsan ciidamada Soomaaliya, tan iyo markii Al-shababa laga saarayay Muqdisho uu la shaqeynayay ciidanka ka socda dalka Uganda ee AMISOM ka tirsan, wuxuuna haatanna la shaqeeyaa ciidamada ku sugan garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium. “Markii ciidamada Uganda ay yimaadeen Somalia waxay ii sheegeen in aabahay uu ahaa hoggaamiye geesi ah. balse dad ka mid ah dadka Uganda iyo Tanzania oo aan la kulmay ayay siyaabo kala duwan uga hadleen aabbahay,” ayuu mar kale yiri Maxamed Amin. Dhanka kale, Maxamed Idi Amin oo ah aabbe sideed carruur ah dhalay ayaa ku sheegay wareysigiisa in ciidamada Uganda ay u xushmeeyaan sidii qof dalkooda kasoo jeeda. Isagoo yiri. “Maalin maalmaha ka mid ah wiil aan dhalay ayaa ku dhaawacmay rasaas wiifto ah; waxayna ciidamada AMISOM ku daweeyeen isbitaalka ay ku leeyihiin Xalane.” Maxamed Amin ayaa markii ugu horreysay booqday Uganda sannadkii 2008-dii, markaas oo uu tababar kusoo qaadanaya xerada ciidamada Uganda oo ku taalla magaalada Bihanga oo ku taalla Galbeedka Uganda. “Waxaan halkaas u tagay inaan soo arko dhulkii aabbahay. Xiriirna lama sameyn dadka aan kasoo jeedo. Waxayna ahayd markii ugu horreysay oo aan booqdo dhulkii aabbahay, balse dadka uma sheegin inaan ahayn wiilkii Idi Amin Dada,” ayuu hadalkiisa ku daray Maxamed Amin. Idi Amin Dad ayaa oo ku noolaa boqortooyada Saudi Arabia ayaa geeriyooday sannadkii 2003-dii. Iyadoo Maxamed Amin uu xusay in markii aabihii uu ku geeriyooday Sucuudiga lagu xusayay Somalia muddo hal todobaad ah. isagoo intaas ku daray in markii uu aabbihii noolaa ay hooyadiis si joogto ah u booqan jirtay dalka Sucuudiga, balse markii uu dhintay kaddib ma booqan Sucuudiga. Ugu dambeyn, Maxamed Idi Amin Dada ayaa amaanay kaalinta ciidamada AMISOM ay ka qaadanayso dib soo celinta amniga Soomaaliya kaddib 25-sano oo colaado ah kaddib. Isagoo xusay inay uga mahadcelinayaa ciidanka AMISOM taageerada ay Somalia siiyaan. Wuxuuna xusay inuu ku faanayo kuna faraxsan yahay inuu Soomaali yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here