Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL ahna Xoghayihii Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabada 18-Ka May Sharmake Geelle oo dhalinyarada dalka hambalyo ugu diray Sidii ay u bileen bilicda gobol iyo goob walba

0
346

Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL ahna Xoghayihii Guddida heer Qaran ee Qaban-qaabada 18-Ka May Sharmake Geelle oo dhalinyarada dalka hambalyo ugu diray Sidii ay u bileen bilicda gobol iyo goob walba

Hargeysa(Warsugannews)Waxaa laga joogaa Qarni-Rubucii kadib markii dib loo yagleelay dalkii mar daadka lagu daray waxaana mudadaa 25-ka sano ah la soo faqayey dheemantii dhulka hoostiisa gashay .

Dedaal ma yarayn daalna kuma yara cid walba oo u darban taabo galinta qaranka la dafiray waxaana soo gaadha diihaal badan cid walba oo isku diyaarisa dardar galinta dalkan dunidu daaqadaha ka dalacatay.

Mudada intaas leeg da’ yarta dalku waxay ku noolaayeen rajo waxaanay u adkaysteen darxumo, daranyo iyo diif walba oo kasoo gaadhay dal la diiday oo dedaal ugu jira inuu u abuuro wax walba oo sal u ah nolol dhamaystiran oo dheeli tiran.

Walaw dalka Somaliland buuxiyey shuruudaha laga rabo qaran xor ah oo dunida xarago ugu noolaada hadana waxaad moodaa in ay wax badan ka maqan yihiin marka la eego dal aan deeq iyo dayn toona ka helin dunida inteeda kale.
Haddaba, mudo 25 sano ah kadib waxaa arbacadii loo dareeray muujinta milgaha dawladnimo iyo dareenka umadnimo, waxaana dad koox koox iyo qof qof u socda soo mareen jidadka waawayn ee gobolada dalka guud ahaan iyagoo muujinaya rabitaankooda iyo go’aankooda gaarka ah.

Ka sakow ciidankii gaado ka ciyaarka ku marayey jidadka waawayn waxaa xusid mudan in gobol walba iyo goob walba ay qurxiyeen dhalinyarada dhiiran ee dhalaalka badan waxaanay caalamka u direen fariin cad oo aan caad sarnayn.

Ma ahayn oo kaliya kuwo bilic uun ku kabay maalintan balse waxaa muuqatay in ay ahaayeen ciidan bilaa qoryo ah oo kaalin wayn ka qaatay adkaynta amaanka iyo la shaqaynta ciidanka nabadgelyada.

Feejignaan, fiiro dheer, fan farshaxnimo badan ka muuqato iyo farsamo heer saraysa ayey kaga falceliyeen foolaadka dalkani faafinta maalintan fiican.

Ugu dambayn waxaan ugu hambalyeynayaa dhalinyarada Jamhuuriyada Somaliland sida ay u bilan una boqreen maalintan tilmaamaan waxaanan ku faraxsanahay in aan ku abtirsado da’ yar aad idinku kamid tihiin.

Sharmake Axmed Muxumed Geelle
Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL ahna Xoghayahiii Guddida heer Qaran ee Qaban-Qaabada Xuska 18 May