Xoghayeyaasha Guud Ee Goleyaasha Wasiirrada Dawladaha Afrika Oo Kulan Xog-Waraysi Iyo Xeelad-Wadaag Ah Uga Socdo Xarunta Dalka Malawi Iyo Xoghaye Sharmake Geelle Oo Ka Warbixiyey

0
358

Xoghayeyaasha Guud Ee Goleyaasha Wasiirrada Dawladaha Afrika Oo Kulan Xog-Waraysi Iyo Xeelad-Wadaag Ah Uga Socdo Xarunta Dalka Malawi Iyo Xoghaye Sharmake Geelle Oo Ka Warbixiyey

Malawi (Warsugannews) Caasimada dalka Malawi ee Lilongwe waxaa todobaadkii u dambeeyey ka socday kulan muhiimadiisu ahayd xog-waraysi iyo xeelad-wadaag ay 13 dal oo kamida dawladaha Afrika ku lahaayeen isla markaana lagu soo qaaday qodobo muhiim u ah sidii shirarka goleyaasha Wasiirada Afrika u noqon lahayeen kuwo midho dhal ah oo si dhab ah uga turjumaya baahida iyo baylahda dalalka ay metalayaan.

Madaxweynaha dalka Malawi Proff Arthur Peter Mutharika oo kulankan si rasmi ah u furay ayaa Xoghayeyaasha Goleyaasha Wasiirada ee dalalka Botswana, Ghana, Lesotho, Liberia, Rwanda, Sierra Leone, Somalia, Somaliland, South Sudan, Tanzania, Uganda, Zambia, Zanzibar iyo Malawi kulan ugu sameeyey qasriga Madaxtooyada ee dalkaas Malawi halkaas oo uu kala hadlay muhiimada kulankan isagoo xusay kaalinta Xoghayeyaasha Goleyaasha Wasiiradu ku leeyihiin ururinta, diyaarinta, iyo dabagalka go’aamada golaha Wasiirada isagoo sidoo kale xusay muhiimada ay leedahay diyaarinta xayn-daab “Agenda” si dhab ah ugu qotoma xaalada dalalka Afrika isagoo carabka ku adkeeyey in Xoghayaha golaha wasiiradu yahay midka si hufan ay tahay in uu isugu xidho golaha Wasiirada iyo cid walba oo go’aanka golaha kasoo baxa saamayn ku yeelan karo.

Madaxweynaha golaha Wasiirada dalalka Afrika oo ah Xoghayeha Golaha Wasiirada dalka Sierra-leaone ahna Madaxaha Hay’adda Shaqaalaha ee dalkaas Dr Ernest Surrur ayaa xusay in golahani curdin 3 sanno jirsaday yahay balse hoosta ka xariiqay rajada dheer ee ururkan isagoo xusay in xog iyo khibrad wadaag dabadeed ay higsanayaan in ururkani noqdo mid Goleyaasha Wasiirada Dawladaha Afrika ka caawiya in ay yeeshaan kulamo midho dhal ah oo si fudud u gaadhsiiya yoolka qarankaasi markaas higsanayo.

Haddaba, kulankan oo maalmahanba dalkaas ka socday ayuu Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL Mud: Sharmake Axmed Muxumed Geelle uu ku tilmaamay mid xog iyo xasaanadba uga soo korodhay qaranka Somaliland isagoo xusay sida xurmada badan ee dalkaas iyo guud ahaanba dalalka ururka ay Xogheyeyaasha Guud ee Goleyaasha Wasiirada Afrika-ba ku qaabileen.

Xoghaye Sharmake oo sii adkaynaya muhiimada kulankan ayaa xusay sida uu uga soo faa’idaysanayo habka haboon ee loo maro hanaanka kala doorashada Xayn-daabyada kulamada “Techniques of Selecting Effective Agenda” iyo sida ay lagama maarmaan u tahay in cadaymno cadcad lagu kabo siyaasad walba oo la samaynayo “Evidence-Informed Policy Making”

Kulankan oo berri lasoo afmeeri doonno ayuu Xoghayaha Guud ee Golaha Wasiirada JSL Mud Sharmake Axmed Muxumed uu ku wehelinayey Sarkaal ka socda Xafiiska Xidhiidhka Dawlada ee Madaxtooyada Mud: Cabdilaahi Dayib Cismaan ayaa noqonaya mid magac iyo muuqaalba uga soo kordhay dalka Somaliland isla markaana waxaa la filayaa in uu isbedel dhanka wanaagsan ah u horseedi doona Shirarka Golaha Wasiirada JSL

13045427_1326016174094158_179512839_n

13045530_1326018604093915_1198311139_n

13045618_1326015550760887_1195087236_n

13046278_1326016034094172_910026329_n

13059353_1326017294094046_528861150_n

13078114_1326015587427550_1652842728_o (1)

13078114_1326015587427550_1652842728_o

13081834_1326015280760914_397450700_n

13090009_1326016900760752_705503554_n

13090490_1326018557427253_1091186271_n

IMG_7056