Xubnaha Carabta ee ku jira baarlamaanka Israel oo wacad ku maray inay dacweyaan Netanyahu’

0
897

Xubno ka mid ah Liiska Wadajirka, ee isbahaysiga carabta ee ku jira baarlamaanka Israel, ayaa wacad ku maray inay dacwayn doonaan Ra’iisul Wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu oo ay ku eedeeyeen inuu”huriyay colaada” ka dhanka ah muwaadiniinta Falastiin inta lagu guda jiray dabkii ka holcay ee ku faafay dhulka Yahuuddu haysato ee Falastiin.

Saraakiisha Israel waxay ugu yeereen musiibada Rabaaniga inay aheed fal argagixiso oo ay ka danbeeyaan Muslimiinta Falastiin halka ay dhagaha ka cubteen markii ay kumanyaalka reer Israel ay hurinayeen colaada ka dhanka ah Carabta iyagoo ku baaqaya dhimasho,” ayuu u sheegay warbaahinta Aljazeera Ayman Odeh, madaxa isbahaysiga carabta ee ku jira baarlamaanka Israel .
Todobaadkii hore, Netanyahu ayaa soo jeediyay in dabka uu ahaa mid ula kaca islamarkaana ballan qaaday in la ciqaabi doono qof kasta oo dabka ku lug leh .
Wuxuu sheegay in kuwa ka mas’uulka ah loola dhaqmi doono sida “argagixiso” – magacaasoo inta badan saraakiisha Israel ay u adeegsadaan weeraryahanada Falastiiniyiinta – sheegayna in uu kala noqonayo dhalashada.