Xubnihii isbahaysiga Kulmiye oo soo saaray War-murtiyeed ay kaga jawaabayeen Warsaxaafadeedkii Xisbigu shalay soo saaray

0
715

Xubnihii isbahaysiga Kulmiye oo soo saaray War-murtiyeed ay kaga jawaabayeen Warsaxaafadeedkii Xisbigu shalay soo saaray

Hargeysa(Warsugannews)Jahmhuuriyada Somaliland “War-murtiyeed”-Date, 24-Mar-2016- Ref. KDC/08/012/2006
Ujeedo: Dedefayn Qoraalka ka soo baxay Garabka Gudoomiyaha Muuse Biixi.

Tixraac Qoraalka sumadiisu tahay XK/XGX/0042185/2016 kuna taariikhaysan 23/03/2016 kana soo baxay xafiiska garabka kulmiye ee Gudoomiye Muuse Biixi ee lagu faafiyay warbaahinta ujeedadiisu ahayd lumin Xil iyo Xubinimo xisbi.

Hadaba shir ay isugu yimaadeen Hogaanka, gudiga fulinta iyo xubnaha golaha dhexe ee garabka Isbahaysiga Dumuquraadiga ee Xisbiga Kulmiye waxay soo saareen War-murtiyeedkan :

1. In aany jirin xubin ka tirsan garabka Isbahaysiga Dimoquraadiga Kulmiye oo lumisay xilalkeedii iyo xubinimadeed xisbiga kulmiye.

2. In aanu jirin shir loo dhanyahay oo hogaanka iyo gudiga fulinta xisbigu Iskula-qaateen luninta xillalka iyo xubinimada Xisbiga kulmiye.

3. In Gudigii Isbahaysiga ee loo magacaabay la xaajoodka siyaasadeed ee xisbiyada ay sidoodii yihiin sharci u diidayaana aanu jirin.

Gebogebadii:-

Qoraalka ka soo baxay xafiiska garabka gudoomiyaha wuxuu muujinaysaa fashilka hogaamineed ee Muuse Biixi oo xaaladiisu wakhtigan marayso “neef la gawracay geedo kama waabto” iyadoo xisbigii kulmiye labo garab u kala fadhiyo hadana u tafaxaytay Xasarado aan kala joogsi lahayn ee ay ugu danbaysay faraglinta Saldalada guunka ah iyo birma-magaydada madax-dhaqameedka.

Gudoomiye Xigeenka Labaad ee Xisbiga Kulmiye

Xil. Maxamed X. Yuusuf Waabeeye…………………………………………………………….

Gudoomiye Xigeenka Sadexaad ee Xisbiga Kulmiye

Xil. C/raxman Maxamed Talyanle………………………………………………………………