Xukumadda Oo Ka Hadashay Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada iyo Wada Hadalka Khaatumo

0
538
????????????????????????????????????

Xukumadda Oo Ka Hadashay Qabsoomidda Doorashada Madaxtooyada iyo Wada Hadalka Khaatumo

 Hargeysa(Warsugan) Xukumadda Somaliland ayaa sii adkaysay inaanay doorashada Madaxtooyada ee bisha Maarij, 2017 wakhtigeeda ku dhacayso, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan inay suuro gal tahay dib u dhac ku yimaadda. Xukumadda ayaa ballanqaaday inay bixinayso kharashaadka doorashada haddii qaadhaan bixiyeyaasha shisheeye dhimaan lacagtii laga sugayaayay, maaddaama ay ku gacan saydheen kala qaadista labada doorasho.

Wasiirka wasaaradda xannaanada xoolaha Somaliland, Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, oo shalay ka warbixinayay socdaalkii Madaxweynuhu kaga soo laabtay waddamada Imaaraadka Carabta iyo Ingiriiska, ayaa sheegay in doorashada xilligeeda lagu qaban doono “Waxaanu ballan qaadaynaa, oo Madaxweynahayagu ballan qaaday, oo imikana aanu ku celinaynaa, doorashaddii Madaxtooyadu xilligii loogu talo galay bay dhacaysaa,” ayuu yidhi Mudane Cukuse.

Mudane Cukuse wuxuu soo bandhigay arrimaha daliilka u ah sida xukumadda ay uga go’an tahay doorashadu “ Daliil cad ayaanu u  haysanaa in doorashadu naga go’an tahay; si aanay diwaangalintu dib ugu dhicin waxaanu bixinay 60%, halkay ka ahayd inaanu bixinno 25%, ta labaadna markii qolada Baarlamaanku dhammayn wayday xeerkii doorashada Wakiillada, ee xisbiyadu talo keeni waayeen, wuxuu Madaxweynuhu go’aansaday inaanay doorashaddiisu maalin dib u dhicin, ta kalena talo qaran laga yeesho,” ayuu yidhi Mr Cukuse.

Isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi raaciyay “Doorashadu way dhacaysaa, haddii lacagtii qaadhaan bixiyeyaashu bixin jireen qaarkood waxyar is dhimmaanna, ballan baanu ku qaadaynaa in dawladdu bixiso oo iyadu buuxiso laakiin, ninka fulayga ah ayaa ku meeraysta malaha doorasho qaban maayaan,” ayuu yidhi wasiir Cukuse.

Geesta kalena waxa uu wasiir Cukuse sheegay in wada hadalka kooxda Cali Khaliif iyo Somaliland qayb ka ahaa socdaalkii madaxweynaha ee dibada , waxaanu iftiimiyay inay jireen kulamo dhexmaray kooxda Khaatumo iyo weftiga madaxwweynaha“Waxaynu ka shaqaynaynay wada hadalladii iyo dib u midayntii Qaranka Somaliland oo dhan, shirkii aynu u qabanaynay beelaha Bariga qaarkood iyo wada hadalkii kooxaha inaga soo horjeeda ayaa barbar socday oo shirar doceedyo dhacay iyo kuwo dhici doonaba waxaa loogu gogol xaadhayaa shirka weyn ee Burco ka dhici doona,” ayuu yidhi mudane Cukuse.

Doorashada madaxtooyada ayaa la dhawrayaa inay bisha Maarij ee 2017-ka qabsoonto, waxaana dib u dhigista doorashada Wakiillada ka cadhooday beesha Caalamka oo dhaqaalaha doorashooyinka ka caawin jirtay Somaliland laakiin, dawladda ayaa ku adkaysatay go’aankeeda.

Xigasho Wargeyska Warsugan

Warsugan15@gmail.com

warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Somaliland/office