telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

Xukumadda Somaliland Oo Ka Digtay Roobab Wabaylo Wata Oo Bilaha Fooda Inagu Soo Haya Ka Da’i doona Gobolada Bariga Somaliland

 

Hargeysa, Somaliland September 26, 2018 (Warsugan) – Xukumadda jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga digtay shacaabka ku dhaqaan gobolada bariga in ay ka feejignaadaan roobab dabaylo xoogan wata oo bilaaha fooda inagu soo haya ka da’ay doonan.

Wasiirka wasaarada horumarinta beeraha Somaliland, axmed muumin seed ayaa maalinti shalay ka sheegay kadib markii kulan uu laa qaatay gudida joogtada ee golaha wakiilada somaliland, isaga ka hadlayana waxa uu yidhi ”Saaka (shalay) agaasimaha waaxda saadaasha hawda waxa uu igu war galiyay in biilaha soo socda bisha tobnaad iyo ta koob iyo tobnaad ay roobabkii dib usoo curanayaan ilsmarkaana dhinaca gobalada bariga sool iyo sanaag roobabku badnan doonan.

Xalay-ba qaybo kamid ah gobolka Sanaag way ka da’yeen roobabku, markaa xoogaa dabaylo ah ayay wataan shacabkuna waa inay ka digtoonaadaan dadka deegaankaasi waliba dhinaca bada xeebta xiga.”

Ugu dambayntiina, wasiir Axmed muumin Seed waxa uu ka war bixiyay arrimaha ay ka wada hadleen gudida joogtada ee golaha wakiilada Somaliland isago xusay in kulanka ka wada hadleen arrimaha uu qaabsoomay mudadii uu xilka wasarada hayey, mashaariicda wax soosaarka halka ay marayaan iyo carqaladaha ay laa kulmaan.

”kulankayagani waxa uu salka ku hayay wax soo saarka dalka,carqabadaha na hortaagan iyo halkaanu wax marinayno, si wanaagsana runtii way noogu qanceen waxaanaanu ku heshiinay in maalinta axada hadii alle ka dhigo ay soo arkaan mashruuca ugu dhaw oo ah mashruuca wajaale.”

dhinaca kalena, gudoomiyaha gudida joogtada ee golaha wakiilada somaliland xildhibaan siciid cartan ayaa isaguna dhiniciisa ka warbixiyay kulankan ay la yeesheen wasiirka horumarinta beeraha wuxuuna yidhi,”waxa isugu nimi xogwaraysi oo runtii si fiican ayuu war bixintii noo siiyay wasiirku anaguna waanu ku qanacnay aad iyo aad baanaan ugu mahad celinayaa, waaanan ku boorinaya in wasiirku dadaalkaa halkaa kasii wado.”

75 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins