Xukuumada Somaliland oo Heshiis kala Dhex Dhigtay Labo Ardaa oo Gobolka Sool Wada Degan‏

0
316

Xukuumadda Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in heshii kama dambays ah lagu soo afjaray waxyaabooyin ay kala tirsanayeen labo ardaa oo isku beel ah oo wada degan degmada Xuddun ee Gobolka Sool, kuwaas oo kulankii u dambeeyey ee is afgarad loogu qabtay Magaalada Hargaysa

Kulankan oo maalmihii u dambeeyey ku qabsoomayay xarunta wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSl ayaa dabo socday kulamo xidhiidh ah oo ay wefti ka tirsan Xukuumada Somaliland oo ay ka mid ahaayeen wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada, Warfaafinta , Dib u Dejinta iyo Biyaha ay bishii May ku tageen Degmada Xuddun ee Gobolka Sool

Munaasabadii lagu soo gebagebaynayey heshiiskan oo ay ka soo qaybgaleen Madax ka tirsan Golayaasha dawlada iyo waxgarad kala metelayey labada dhinac ee heshiisnta qaatay ayaa waxaa ugu horayn halkaas kaga dhawaaqay is afgaradka laga gaadhay dhammaystirka heshiiska labada Ardaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (caddaani) oo sharaxaad ka bixiyey sida uu ku soo bilaabmay is afgaradkan lagu dhammaystiray magaalada Hargaysa, waxana uu yidhi sidan: “Waxa muddo labo todobaad ah hargaysa ku sugnaa odayaal iyo waxgarad ka socday labo Ardaa oo deegaan u ah Degmada Xuddun waxana ay u yimaadeen sidii arimo dhexdooda yaallay si kama dambays ah loogu xallin lahaa, dawladuna ay dhex uga noqon lahayd. Arintuna waxay dabo socotay natiijooyinkii ka soo baxay socdaalkii aanu Degmadaa ku tagnay bishii May, sidaa darteed halkan waxaan kaga dhawaaqayaa heshiis dhammaystiran in laga gaadhay waxii la kala tirsanayey, waxana aan si gaar ah ugu hambalyaynayaa dadka degan degmada Xuddun ama nugaal oo dhan ama karamaan ama Bancadde ama Sool ama Xadeed iyo guud ahaan dhulka Somaliland in labadaa reer waxii ay kala tirsanayeen si qurux badan ay ku dhammaatay, arintanina waxay qayb ka tahay hawlaha nabadaynta ee dawladu ka waddo deegaano badan sida Dharkayngeeyo ee taleex”

Intaa ka bacdi waxaa halkaa hadalo kooban ka soo jeediyey labo Caaqil oo labada Ardaa ka kala tirsan kuwaasoo si rasmi ah u caddeeyey sida ay uga raalli yihiin heshiiska ay gaadheen waxana ay Xukuumada Somaliland uga mahadnaqeen dadaalka ay gelisay in hawshaasi la soo afjaro.

Caaqil Maxamed Askar Jaamac oo halkaa ka hadlay waxa uu muujiyey sida ay ugu kalsoon yihiin in heshiiskaasi uu ka fulayo dhankooda waxana uu yidhi sidan: “ Hawsha ay u guntatay dawladu ee isu xilsaartay ee aanu maanta halkan ku soo gebagebaynay eeahayd dhacdadii Jidbaale iyo nawaaxigeeda oo caqabadii lagala kulamy ay ahayd fulintii waxii lagu kala xukumay , waxase maanta anaga oo joogna hargaysa oo nalagu martiqaaday aanu caddaynaynaa in aanu ka heshiinay waxii jiray iyadoo hawsha is afgaradkana ay dawlada Somaliland lafdhabar u ahayd, aasaaska lga duulayaana ay noqotay in la fuliyo xukunkii labada reer lagu kala xukumay, hadday tahay dhacdadii xalanley iyo tii jidbaale labadaba, heshiisna aanu ku nahay sidaas. Dadkii deegaankana waxaan ugu baaqayaa in aanu qaadanay nabad, arimahaana ka tolownay”

Dhankiisana Chief Caaqil Muuse Aadan Cadde oo munaasabadaasi ka hadlay waxa uu caddeeyey in hawshaasi ku dhamaatay guul, nabadgelyo iyo walaalnimo waxana hadaladiisii ka mid ahaa: “Labadaa arimood ee midna xananley ahayd midna Jidbaale ee dadku ku dhinteen iyo dhamaan waxii ku taxaluqay ama ka horeeyaan ama ha ka dambeeyaane halkan ayaanu ku dhamaynay oo isku gacan qaadnay iyadoo labadii ardaa ay dhinac walba ka joogaan cuqaashoodii iyo odayaashoodii, dawladu waxii aanu uga baahano ee fulinta heshiiskaa ahna way nala garab taagan tahay, waana la kala muddaysatay, sidaas ayayna caafimaad ugu dhamaatay hawshaasi, mahad oo dhana ilaahay ayaa iska leh, waxana hawshan dhamaystirkeeda aanu uga mahadcelinaynaa Dawlada Somaliland.

Ugu dambayntii Wasiirka Wasaaradda Kheyraadka Biyaha Md Baashe Cali jaamac ayaa Wasaaradda Warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta JSL ku bogaadiyey doorka ay ka qaadatay hawshan dhammaystirkeeda, waxana isaga oo sii adkaynaya heshiiska la gaadhay uu wasiirku yidhi sidan: “ sharaf bay noo tahay in labadii qoys ee walaalaha ahaa ee reer Xuddun ay halkan ku heshiiyeen, wasaaradda warfaafintuna waa meel barakaysane waxii la heshiisiinayo hoolalkooda ha lagu qabto, labada ardaana waxa aan uga mahadnaqaynaa sida ay u soo ajiibeen martiqaadkii loo fidiyey iyo sida ay u qaateen waxii talooyin ah ee loo soo jeediyey iyo heshiiska ay khilaafkoodii ka gaadheenba, dadweynaha Somaliland-na waxaan ugu bishaaraynaynaa in wadahadalkan heshiis laga gaadhay, kuwa aan weli heshiis kama dambays ah laga gaadhin ee gacanta lagu hayo iyagana lagu heshiin dono insha ‘allaahu”
Kulamadan heshiisiineed ayaa intii ay ka socdeen xarunta Wasaaradda Warfaafinta waxa gacanta ku hayey Wasiirada Wasaaradaha Madaxtooyada, Warfaafinta iyo Kheyraadka biyaha oo gacan ka helayey Wasaaradda arimaha gudaha, isla markaana uu wehelinayey xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada ee JSL.