Xukuumada Waxan Leeyahay Intaad Isku Mashquulsantihin Dadkiina Waxa U Qabta ….. Suldaan Xiiray

0
401

Xukuumada Waxan Leeyahay Intaad Isku Mashquulsantihin Dadkiina Waxa U Qabta ….. Suldaan Xiiray

Hargeysa(Warsugannews) Afhayeenka Salaadinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Muxumed Xiirey ayaa ka hadlay baahi caafimaad oo ka jirta Dagmooyinka SaboWanaag Iyo Cadaadley oo uu dhawaan Booqday.

Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray ayaa sheegay in degmooyinkaasi ay ka jirto baahi dadku u qabaan adeegyadii caafimaadka waxaana uu yidhi:-“ Waxan Doonayaa in aan maanta ka hadlo dhawr qoddob oo khuseeya caafimaadka Dagmooyinka Sabo-Wanaag Iyo Cadaadley oo muddooyinkii u dambeeyay la moodo in ay liidato, Labadaa Dagmo ee aan soo sheegay ma laha wax Amabalaas ah ama gaadiidka Gurmadka Deg-dega ah oo hadday wax dhacaan lagu gurmado.

Suldaan xiiray oo ka hadlay sida ay dadka deegaanka u damaqday baahida ay u qabaan adeegyada bulshada gaar ahaana dhinaca caafimaadka ayaa yidhi:-“Sidoo kale dadka deegaanku waxa ay ii sheegeen in dhawrkii bilood ee la soo dhaafay ay umul arooreen Afar dumar ahi waxaana u sabab ahaa ilaahay ka sokow in la waayay wax lagu soo qaado ilaa halka la yidhaa kaam ugaadh iyo labi-sagaal waxaan Wasaarada Caafimaadka Ka Codsanaynaa in degmooyinkaasi u diyaariso Gawaadhidii Ambalaasyada ahaa .

Dhinaca kale sulaadanka oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu sheegay “ Deegaanka waxa ka dilaacay Shuban biyood Tuulada bali shire la yidhaa Hal qof ama ilmayar ayaa ku dhintay waxaanu leenahay xukuumada ha u gurmato dadkaas shuban biyoodku ka dilaacay Deegaanadoodii ay Daganayeen”.

Suldaan Xiiray Sidoo Kale Waxan u ka hadlay Xaaluf balaadhan oo lagu hayo deegaanka Kaas oo dhirtii la xagaafay waxaana uu yidhi:-“wasaarada deegaanka waxan ugu baaqayaa in ay wax ka qabato dhulkan la xaalufinaayo dhamaan dhulkii iyo dhirtii waxa laga shidayaa Dhuxul wagii baryaba waxa laga buuxiyaa Baabuur waraado ah Taasna waxan ugu Baaqayaa Wasaarada Deegaanka”.

Suldaanka oo Si Gaara Fariin ugu Diraya Xukuumada Waxa Uu Yidhi “ adeer intaad ku meeraysanasaan Hudheelo iyo Ciidamo lamida la wadho waar dadkinan wax u qabto Dadkani waa kuwaad ku noqonasaan hadhow markaad cod rabiine”.

Suldaanka ayaa hadalkiisa ku soo gabagabeeyey baaq uu u diray Wasaarada Xannaanada Xoolaha Somaliland:-“Qoddobka aan ku soo gabagabaynayo waxa weeye Xoolaha Deegaanku waa ay xanuusanayaan Gaar ahaan Geela wasaarada Xanaanada Xoolaha Waxan Ka Codsanaynaaa in ay Tiim Deg-deg ah u dirto deegaanadaasi”

Warsugannews
warsuganmedia@gmail.com
Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here