Xukuumadda iyo Xal U Helida Sicir Bararka: Halka Doolar Oo Lix Kun Gaadha Waa Rajo Wacan!! W/Q: Khadar Cabdiraxmaan

0
397

Xukuumadda iyo Xal U Helida Sicir Bararka: Halka Doolar Oo Lix Kun Gaadha Waa Rajo Wacan!! W/Q: Khadar Cabdiraxmaan

Dalkeena Somaliland hadii wax badan la xakameeyo waxaa suurto gal noqon lahayd nolosha dadka caadiga ah oo ku soo noqon lahayd. Madaxweyne Axmed Siilaanyo wuxuu shalay inoo sheegay oo uu golaha hortiisa ka sheegay inuu ku rajo qabo doolarka oo gaadha meesha ugu hoosaysa iyo lacagta Somaliland oo qiimo badan yeelata.

Qiimo badan oo loo yeelo lacagteena sida ka muuqata hadalka madaxweynaha waxay noqonaysaa mid rajo weyn ku abuuraysa dadka la baaxaa degaaya nolol maalmeedka caadiga ah oo uu hore u gartay madaxweyne Siilanayo in xal waara laga gaadho.

Maansha allah ayeynu taaganahay mar hadii aynu helnay madaxweyne hoos u eegaya danta shacabkiisa, isla markaana farta ku fiiqay meesha sarta ka xumaatay oo ah ganacsiga gacanta u galay dad gaar ah oo suuqyada maamulkooda haya.
Xukuumada uu hogaaminaayo madaxweyne Siilaanyo waxaan odhan lahaa halkaas hakaga hadhina dadaalka aad ugu jirtaan xakamaynta sicir-bararka ee nolosha ragaadiyey, isla markaana dib loo eego lacagaha xawilaadaha casriga ah layskugu diro.

Shillinka Somaliland oo la qiimeeyo waa baahida shacabka oo loo maaro helay. Shaqsiyan waxaan odhan lahaa maanta shacabku ha garab istaagaan xukuumada iyo guddiga loo xil saaray inay xal waara u raadiyaan sicir bararka ina sameeyey.

Tusaale hadii halka doolar ee maanta sideeda kun ku dhaw laga dhigo sidii uu ahaan jiray lix kuan iyo boqolaal wax badan ayaa iska badalaya nolosha dadka oo uu saamayn ku yeeshay kor u kaca doolarku, taas oo ilaa hada go’aankeedii ugu dambeeyey aan la gaadhin rajo badana laga wada sugaayo.

W/Q: Khadar Cabdiraxmaan
Khadarc16@gmail.com