Xukuumadda Oo Ka Hadashay Culimada Wanaag Farista Oo Socdaal Ugu Baxday Awdal DECEMBER 5, 2015

0
368
????????????????????????????????????

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Culimada Wanaag Farista Oo Socdaal Ugu Baxday Awdal
DECEMBER 5, 2015

Hargeysa(Warsugannews):-Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa ka war-bixiyay socdaal khayri ah oo ay Culimada wanaag farista iyo xumaan reebista iyo culimada gobollada Awdal iyo Salel ku soo mari doonaan deegamada galbeed ee ay abaaruhu hayaan.

Wasiirka Diintu waxa uu sheegay in culimada iyo wasaaradiisu arrinta socdaalka khayriga ah ka wada tashadeen isla markaana la isla qaatay in bulshadda ALLE ka cabsiga iyo baryada RABBI lagu guubaabiyo.
“Culimada wanaag farista iyo culimada Awdal iyo Salel waxay dadka deegaanadaa ku baraarujin doonaan in ALLE la baryo roob doonna way la soo tukanayaan,waxaana ugu weyn ee waajibka innagu ahi waa in aynu bulshada ALLE xasuusino oo aynu ku cel celino in RABBI oo la baryaa ay ka wanaagsan tahay cid kasta oo kale oo wax la waydiisto.,:”ayuu yidhi Sheekh Khaliil Cabdilaahi.

Wasiirka Diintu waxa uu intaa ku daray in culimadu markay soo noqoto ay warbixin rasmi ah u soo gudbin doonaan Wasaaradda diinta iyo awqaafta oo u gudbin doonta guddiga heer qaran ee gurmadka Abaaraha.

Xigasho Somaliland.org