Xukuumadda Oo Ka Hadashay Yemani Is Gubay, Tirada Dadka Yemen Ka Soo Qaxay Iyo Doonyo Saylac Soo Gaadhay

0
472

Xukuumadda Oo Ka Hadashay Yemani Is Gubay, Tirada Dadka Yemen Ka Soo Qaxay Iyo Doonyo Saylac Soo Gaadhay

Hargeysa(Warsuagnnews) -Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ka hadashay nin ka tirsanaa dadka qaxoontiga ah ee ka soo qaxay dagaalada dalka Yemen oo dorraad isku hor gubay xafiiska hay’adda Qarramada Midoobay u qaabilsan Qaxoontiga ee UNHCR xafiiskeeda Hargeysa.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib u Dejinta Somaliland Marwo Nimco Xuseen Qawdhan, oo khadka telefoonka waraysi kooban ku siisay wargeyska DAWAN,ayaa sheegtay in ninka dabka is qabadsiiyay ee ka soo qaxay dagaalada ka socday dalka Yemen in aanu ka mid ahayn qaxoontiga Somaliland u diiwaan gashan ee dalka Somaliland sida tooska ah uga soo galay dhanka Yemen, laakiin uu ka yimi dhinaca Puntland isagoo markii hore ka degay dekeda Boosaaso. Wasiir ku-xigeenku intaa ku dartay in ay imika xaaladiisa dawladdu gacanta ku hayso isla markaana la dawaynayo.

Marwo Nimco Xuseen Qowdhan oo aanu weydiinay ninkan iyo sida uu dalka ku yimid, waxaanay tidhi “Horta ninkaa shalay (doraad) is gubay marka hore kamuu mid ahayn qaxoontiga Somaliland u diiwaan gashan ee tooska uga soo qaxay dagaalada ka socday dalka Yemen. laakiin wuxuu ka mid ahaa qaxoonti reer Yemen ah oo Boosaaso ka degay muddo markii halkaa xero lagu xareeyay ku jiray ee uu wax nolol ah ka waayayna wuxuu yimi Hargeysa oo uu muddo sadex bilood ah joogay,markaa annagu ka wasaarad ahaan markii dhacdadaa shalay warkeedu na soo gaadhayba waxaanu ugu tagnay Cisbitaalka waanan soo waraysanay,markaan waydiinay sababta uu isu gubay ninkaas oo ah nin dhalinyarro ahi wuxuu noo sheegay in uu markii hore Boosaaso doon ku tegay ka dibna lagu xareeyay xero magaalada ku taalla. taasoo uu wax nolol ah ku waayay gaajana uga soo cararay.

Wasiir-Ku-xigeenka-dib-u-dejintaWaxaa kale oo uu noo sheegay in uu muddo laba bilood ah ku soo noq noqonayay xafiiska hay’adda qaxoontiga QaRramada Midoobay u qaabilsa ee UNHCR ee Hargeysa. Markii uu wax jawaab ah ka waayayna uu is gubay.

Waxaa kale oo aanu ku nidhi ma timi Wasaaradda Dib u dejinta oo ma is diiwaan galisay taana wuxuu kaga jawaabay may maan iman. Laakiin in kasta oo aanu markii hore ka diiwaan gashanayn Somaliland oo aanu ahayn qaxoontiga Wasaaradu diiwaan galisay ee ka soo qaxay dagaalada Yemen haddana sidaa lagu eegan maayo oo masuuliyad ayaa qaran ahaan naga saaran imikana waa la dawaynayaa Wasaaraduna si dhow ayay xaaladiisa ula socotaa, waanan ka war haynaa imika.”

Wasiir Nimco Xuseen oo aanu wax ka waydiinay in ay arrimaha qaxoontiga Yemen kala hadleen Hay’adda UNHCR iyo dhacdadan u dambaysay ee ninka Yemaniga ahi isku gubay, waxaanay tidhi “Horta horeba waanu uga wada hadalnay UNHCR arrimaha qaxoontiga reer Yemen, markaa UNHCR waxay ku doodaysay markay tiro noo cayiman gaadhaan ayaanu kaamam u samaynaa oo aanu qaxoontiga qaabilnaa oo aanu fasax u haysanaa iyo qorshaha kharash ee sannadka nooguma jiraan ee aanu lacag u doono, laakiin imika dhacdadan shalay (Dorraad) dhacday waanu iska arkaynaa oo berri(maanta) ayaanu u balansan nahay.waxna waanu ka waydiinaynaa sabatoo ah UNHCR iyada ayaa qarramada midoobay u qaabilsan qaxoontiga caalamka. Markaa wixii ay qaxoontiga jooga Somaliland xuquuq ugu leeyihiin waanu waydiinaynaa.”

Marwo Nimco Xuseen oo ka jawaabaysay su’aal ahayd in ay jiraan imika qaxoontiga Yemen cid ka mid ah oo ay UNHCR wax siiso amma ay qaxoonti u aqoonsan tahay ayaa tidhi. “Horta ma jiro kaamam Qaxoonti oo ay dadkaa u samaysay. waxaanay ku doodaysaa in aanay gaadhin tirada ay fasaxa u haysato in ay ku qaabisho ee ay meel ku dejiso,laakiin way jiraan qaybo ka mid ah qaxoontiga reer Yemen oo ay Hay’addau wax yar siisay laakiin wax toos ahi ma jiraan oo ay gaadhsiisay qaxoontigaas,inta badan culayskooduna waxaa uu ku dhacay oo gacan u fidinayay Xukuumadda iyo bulshada reer Somaliland, Qaxoontiga Yemen innooga yimina waxay isugu jireen dad xirfadleyaal ah oo markiiba iska shaqaystay iyo dad ay xidhiidh ganacsi bulshadda reer Somaliland lahaayeen oo noloshooda daboolay.

Waxaa kale oo iyaguna jira qaxoonti aan waxba haysan oo baahan in wax loo qabtana ay tahay kuwaana dawlad ahaan iyo dad ahaanba wixii loo qaban karo waa loo qabtaa. marba intay awoodi noqotana waa la tarayaa. Waxaanan bulshadana u soo jeedinayaa ciddii wax haysata oo ay tijaartu ka mid tahay in dadkaa wax la taro qaxoonti waynu naqaanaa wuxuu yahay markaa inta jilicsan aan wax tarno.”
nin
Wasiir Ku Xigeenka oo aanu weydiinay tirada qaxoontiga Yeman ee ay dawladda Somaliland diiwaan-gelisay, waxay tidhi “Horta dadka ka soo qaxay dalka Yemen, Somaliland waxay u aqoonsan tahay Qaxoonti tirada guud ee wasaaradda Dib u Dejinta u diiwaan gashan ee dalka soo gashay waxay ahayd 1375. Laakiin waxaa intaa dheer oo dalka soo galay laba doonyood oo shalay(Doraad) iyo Maanta(shalay) soo gaadhay magaalada Saylac oo kala siday 15 iyo 25 qof.markaa lambarkii hore noogu diiwaan gashanaa waxaa ku soo kordhay labadaa doonyood tirada qaxoontiga ay sideen ee soo gaadhay dekeda magaalada Saylac.”

warsugannews

Warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here