Xukuumadda Oo Xisbiyadda Mucaaridka Uga Digtay Khalkhal Gelinta Arrimaha Amniga iyo Isku Socodka Ganacsiga

0
347

Xukuumadda Oo Xisbiyadda Mucaaridka Uga Digtay Khalkhal Gelinta Arrimaha Amniga iyo Isku Socodka Ganacsiga

“Mucaaridnimadu maaha qas iyo nabad galyo xumo iyo xasilooni la’aan in la abuuro” Wasiirka Arrimaha Gudaha Yaasiin Faraton
Hargeysa (Warsugan) Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland mudane, Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faraton) ayaa ka hadlay dhaliilo mudooyinkii u dambeeyey ay u jeedinayeen qaar ka tirsan masuuliyiinta xisbiyada mucaaridku, waxaanu hoosta ka xariiqay in guud ahaan la wada ilaashado nabad galyada iyo isku socodka arrimaha ganacsiga.

Wasiirka oo si gaar ah ula hadlayey muuq baahiyaha Startv ayaa wax laga waydiiyey dhaliilaha ay mucaaridku u soo jeediyaan xukuumadda iyo sida uu u arko hawlaha bariga Somaliland ka socda ee ku soo beegmay magacaabistiisa, gaar ahaana shaqaaqadii Ceel-afweyne, waxaanu yidhi “Mucaaridnimadu maaha qas iyo nabad galyo xumo iyo xasilooni la’aan in la abuuro, mucaaridnimadu waxa weeye in si miisaan leh rayiga aad ku gudbin karto oo wixii khaladaad ah ee aad aragto dawlada ka sheegi karto aad u sheegto, maaha micnaheedu inaad dalkaa iyo dadweynahaagi aad xasilooni daro iyo dhibaato aad dalkii ku rido, waa nasiib daro, waa xilkasnimo la’aan mucaaradnimana maaha”

Wasiirka oo si gaara uga jawaabay magacaabistiisa iyo sida ay isugu soo beegmeen arrimaha Ceel-afweyne ee dhawaan la xaliyey ayaa yidhi “Amuuruhu way isku soo beegman anigu uma haysto kuwa i sugayey ama aniga la iigu talo galay ahayeen kuwo sidooda u dhacday oo isku soo beegmay ayuun-ban u arkaa waa ilaahay mahadii dhamaantood arrimihii dhacay waanu ka wada hawl galnay meel wanaagsana way wada marayan kuwo dhammaaday waa jiraan kuwo lagu dhex jiro oo meel wanaagsan marayana waa jiraan”
Ugu dambayntii wasiirka ayaa talooyin u soo jeediyey shacabka Somaliland waxaanu yidhi”Somaliland waxa aynu ku caano maalnay waa nabad galyo, xasilooni taas ayeynu horumar ku gaadhayna horena ugu socon karayna waxanan dadka u soo jeedinaya in nabad galyada, xasiloonida, ganacsi furan, isu soo dhaweynta lagu dhaqmo oo lagu nagaado”

Xigasho Wargeyska Warsugan