Xukuumadda Somalia Oo Heshiis Dhinaca Shidaalka Ah La Gashay Shirkad Maraykan Ah

0
416

Xukuumadda Somalia Oo Heshiis Dhinaca Shidaalka Ah La Gashay Shirkad Maraykan Ah

Muqdisho(Warsugannews)Xukuumadda Somalia ayaa heshiis dhinaca sahaminta shidaalka ah la gashay shirkad shisheeye oo lagu magcaabo Spectrum oo baadhitaan ku samaynay shidaalka ku jira Bada Somalia.

Munaasibad lagu saxeexayay heshiiskaa oo ka dhacday magaalada Muqdisho, wax aka qaybgalay Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ee dawladda Soomaaliya Maxamad Mukhtaar Ibraahim oo heshiiska saxeexay, masuuliyiin ka socotay shirkada Spectrum Land Services Ltd Oil and Gas Consulting iyo raysal wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Sharmaarke oo ay weheliyeen xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradiisa iyo xildhibaano ka tirsan baarlamanka. Federaalka Somalia.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Maxamad Mukhtaar Ibraahim, ayaa kulanka lagu saxeexay heshiiska kadib waraysi uu siiyay Idaacada BBC-da waxa uu ku sheegay in aan heshiiska ay la galeen shirkadaa waxba ka bedelayn shirkadihii hore dawladii Somalia heshiiska ula galay, isla markaana ay raali ka yihiin heshiiskaa iyo shaqada ay qabanay shirkada ay heshiiska la galeen.

Shirkada Spectrum Land Services Ltd Oil and Gas Consulting oo laga leeyahay dalka Maraykanka, ayaa kusoo biirtay shirkadaha khayraadka Somalia boobaya, iyagoo ka faa’idaysanaya fawdada iyo kala danbayn la’aanta.

Xukuumadda Somalia, ayaa dhwaan la kulantay fadeexado la xidhiidha heshiisyo shidaal oo ay la gashay shirkado shisheeye, kuwaas oo ay ka mid yihiin shirkad laga leeyahay dalka Britain oo lagu magcaabo Soma Oil and Gas.

Xigasho Araweelo News Network

warsugannews
warsuganmedia@gmail.com

Hargeysa/Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here