Xukuumadda Somaliland Oo Magdhow Lacageed U Qeybisay Dadka Deegaanka Dogoble Oo Hore Amar Loogu Bixiyey In La Dumiyo

0
301

Xukuumadda Somaliland Oo Magdhow Lacageed U Qeybisay Dadka Deegaanka Dogoble Oo Hore Amar Loogu Bixiyey In La Dumiyo

Dogoble(Warsugan) Xukuumadda Somaliland ayaa magdhow u qeybisay dadkii ku dhaqnaa Deegaanka Dogoble oo hore Dawladdu amar ku soo saartay in la dumiyo, waxaana gabi ahaanba xukuumada Somaliland ay lacag kala duwan u qeybisay dadkaasi iyadoo xustay inay tahay hantidii ay magaalada ku lahaayeen oo loo qiimeeyey .
Wasiiru dawladaha wasaaradda arrimaha gudaha mudane, Maxamed Muuse Diiriye “Adduunkii halkaa ku qornaa halkanaan ku haynaa waxaa la soon doonaa dadkii halkan aqalada ku lahaa , waxaa laynooga baahan yahay ballan baynu halkaa ku kala tagnay oo aynu go’aan iskula qaadanay inagoo dhan wixii aynu kuwada hadalnay inay fulaan baa laynooga baahan yahay, ummadii waa taa iyadoo wada joogta hawshii nala fulisay”

Maxamuud Warsame Jaamac Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ” Magaalada Dogoble oo ay dawladdu go’aansatay in gabi ahaanba la dumiyo magdhowgeedana ay dawladdu bixinayso dhamaan dadkii hantiga ku lahaa iyagoo dhammaantood gob jooga, Xukuumaddu iskama dumine dadkaa magdhowgoo diibay usoo diyaarisay maanta marka ay magdhowgooda qaataana waxaa xigi doonta in Dogoble sidii go’aanku ahaa ee beelaha iyo dadka deegaankuba ugu riyaaqeen ee usoo dhaweeyen in hawshaasi ku dhamato cid la duudsiyayaa xaqeedii iyo cid la dulmiyayaa midna ma jirto”

Dadkii ku dhaqnaa degaanka dogoble ayaa soo dhaweeyey lacagta loo qeybiyey ee loogu qiimeeyey hantidoodii waxana ay xukuumadda somaliland uga mahad celiyeen sida dhakhso ah ee ay u fulisay balan qaadkii, waxaana ay hoosta ka xariiqeen dadweynahaasi dhankooda inay diyaar u yihiin la shaqaynta xukuumada iyo ku dhaqanka shuruucda, kuna faraxsan yihiin go’aankaasi dawladu qaadatay.
Si Kastaba ha ahaatee Deegaanka Dogoble ayaa ahaa degaan uu in badan ka taagnaa muran dhanka kaasi oo markii danbe Xukuumad Somaliland dadka deegaanku go’aan midaysan isla qaateen in la dumiyo magaaladaasi wixii hanti ah ee yaalana ay dusha saaranayso dawladda somaliand.

Xigasho Wargeyska Warsugan
Hargeysa/Somaliland/Office
warsugan15@gmail.com
warsuganmedia@gmail.com