Xukuumadda Somaliland oo soo Dhawaysay Go’aanka Golaha Wakiilladu ku Ansixiyeen Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera

0
354
????????????????????????????????????

Xukuumadda Somaliland oo soo Dhawaysay Go’aanka Golaha Wakiilladu ku Ansixiyeen Heshiiska Maalgashiga Dekedda Berbera

Hargeysa (Warsugannews)- Xukuumadda Somaliland, ayaa si diiran u soo dhawaysay go’aanka Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiiska maalgashiga ee Dekedda Berbera, kaasoo ay wada galeen xukuumadda iyo shirkadda DP World ee dalka Imaaraadka Carabta.

Wasiirrada Warfaafinta Md. Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) iyo Qorshaynta Qaranka Md. Cali Salaan Jirde (Cali-shoombe) oo saxaafadda kula hadlay xarunta Madaxtooyada shalay, waxa ay mudanayaasha Golaha Wakiillada ku hambalyeeyeen sida geesinimada leh ee ay u ansixiyeen heshiiska shirkadda DP World oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid faa’iidooyin kala duwan u leh qaranka Somaliland.

“Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee ay soo doorteen shacabka Somaliland, mar haddii ay ku ansixiyeen muxaafid iyo mucaaridba, aqlabiyadda sidaas le’egna waxay tusaysaa muhiimada iyo ahmiyadda heshiiska noocaas ah uu u leeyahay dekeddeenna iyo qaranka Somaliland, haddii uu hadal jirayna oo hoos loo hadlayey amma kor loo hadlayeyba arrintaas waxa soo afjaray coddayntaas ay ku ansixiyeen Golaha Wakiilladu.” Sidaa waxa yidhi Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Wasiirka Qorshaynta Md. Cali Salaan Jirde (Cali-shoombe), kaasoo sheegay in dekedda Berbera tahay mid muhiim u ah qaranka Somaliland, waxaannu soo dhaweeyey go’aanka mudanayaasha Golaha Wakiilladu ku ansixiyeen heshiiska maalgashiga ee Somaliland la gashay Shirkadda DP World.

“Waxa ay Berbera maanta dib ugu soo noqonaysaa meeqaamkii ay ku lahayd qarniyadii 18aad iyo 19aad ee caalamka, waxa aad moodaysaa 40-kii sanno ee u dambeeyey ay Berbera hoos u sii shiikhaysay oo ka sii baxaysay saaxadda, iyadoo horumarin lagu sameeyey dekeddaha ku yaal mandaqada oo dhan, markaa maanta kuwaas ayey la jaan-qaadaysaa oo ay la tartamaysaa, ummaddeenna oo lagu qiyaaso ilaa 4 milyan oo qof iyo dheeraad, waxaan u malaynayaa inay noqonayaan kuwa ugu nasiibka badan dadka,” ayuu yidhi Wasiirka Qorshayntu.

Waxaannu intaas ku daray; “Anniga oo ku hadla afka guddidii ka shaqaynayey heshiiska dekedda Berbera, waxaan u ahadnaqayaa Golaha Wakiillada oo iyaga oo adeegsanaya dimuqraadiyadda aynu caanka ku ahayn ka dooday,falanqeeyey oo dagaal badan galay, waana la arkayey wixii dagaal la nagu soo qaadayey intii aannu ku jirnay hawsha dekedda saddexdii bilood ee u ambeeyey, waanan u dhabar-adaygnay wixii weerar la nagu hayey, laakiin Golaha Wakiilladu markii u dambaysay waxay nala fahmeen wixii aanu intaasba arkayey ee aannu u aamusnayn oo ah horumarka ay Somaliland ku tallaabsanayso.”

????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????