XUSBIGA WADANI OO SADAQADII SAYAASADEEYEY,GABILY IYO DILANA INEY DAWARSANAYAAN KA DHIGEY SI FADEEXADANA TV UGA DUUBEY.

0
395

XUSBIGA WADANI OO SADAQADII SAYAASADEEYEY,GABILY IYO DILANA INEY DAWARSANAYAAN KA DHIGEY SI FADEEXADANA TV UGA DUUBEY.
Waxaan aad ula yaabey laba arimaad oo Gudoomiye Ciro iyo Xusbigiisu ay ku sameeyen dadka sharafta iyo aqoonta mudan ee reer Gabily iyo Dila.
1-Gabily waxay siyeen 10 boyadood oo biyo ah waxay soo kireysteen T,V inta ay T.V ku soo keysteen ayaa ka badan 10 boyadood.
kolkaasi ayey yidhaan yaa biyaha idiin keeney??
hada xukuunadda kulmiye isla maalinta 100 boyadood ayey keeneen cidna may odhon ayaa idiin keeney.
2-Dila iyana waxay siyeen raashin xabad saliida,xabad daqiiqa iyo in bariisa dad ila 300 qof intey rashinkii meel banaan dhigeen ay T.V ka duubeen,kolkaasi ayuu doqonimadiisa Ciro uu masakiintii ku leeyahay:
-Kulmiye raashin miyuu idin siiyey??
-Muxuu idiin siin waayey??
-yaa raashinkan idin siiyey??
Bari baa gabadh dhali weydey ay wadaad u tagtey oo tidhi waan dhali wayee ii ducee inaan inan dhalo,wadaadkii wuu u duceeyey kolka wuxu islahaa waxooga lacaga ayey ku siin se waxay siisey cateyn ka liya,intuu lacagtii eegey ayuu yidhi CAANTEN INAN LAGUMO DHALO IMINKA WAXAN WADANI LEEYAHAY GABDAD BARIISA MADAXWEYNE LAGUMA NOQDO……
Malin walba dhaqan fool xun ayaad xusbiga wadani ku arkeysa,taasi oo uu hor kacayo Gudoomiye Ciro,waxay cadeysteen in ay sadaqadda ilahay idhi yaal labadaada gacmood is arkin in ay T,V ka duuban.waliba ay ugu daraan mano-sheegasho iyo faan iyo istus oo ay ka shifaan dadka masaakiinta ee baahan.
Waxaan ogeyn tii Wadani la afur ee rabadaanta oo sadaqadiii iyo fidrigii qabiilka Ciro yurub ka soo direy iney siyaasadayeen magaalada Bristol waxa fidriga ka soo ururiyey gabadh iyo nin kolkaasi ayey Somaliland tageen oo kolba T.V iska soo dubayeen sadaqadu waa sir iyo hoos maaha in dadka baahan T.V iyo ummadda la tuso iney baahan yihiin.
Xukuumadda kulmiye waa taasi gudi u sameysay ee sida fiican ugu gurmatey een abaal dadka kaga dooneyn.
Ilaahay abaarta wuu inagu sii wadi hadii dadka baahan la kashifo oo loo mano sheegto oo lagu tiiqtiiqsado sida wadani.
Ilaahay abaarta hanaga soo furto Amiin….Amiin….

W/Q MUJAAHID YASSIN DUCALLE
BRISTOL U.K
Email:yassinducalle@gmail.co