Xusuustii Madoobeyd

0
393

Xusuustii Madoobeyd

 Goortu waa fiid aan iskaga dhex jiro nolol maalmeed kaygii caadiga ahaa, anoo aan dhaadaneyn baa taar laysoo direy, dabadeed si baraad la,aan ah baan gacanta ula haleelay, warkii dhiilada lahaa ee kasoo yeedhay awgii dhulkii waa ila balaadhey oo kor iyo hoos iila duuley, sarajoog iyo fadhi mid aan ku suganaheyna garan waayey, dhabano hays iyo afkala qaad bay igu  noqotey, Naxdin iyo anfariirbaan la dhacey sidii oo falaadh sumeysan wadnaha laygala abaarey.

in muddo ah markaan maqane jooga ahaa ee aanan waali iyo miyir qab midna ku sugnayn, baan markii danbe salaad u kacey, ileen hadday dhibi inagu timaado xaga Illahay (SWT) oo loo cararo mooye waa baabacadaasoo timo laga waayey iney cid kale wax kuu qabataa. Shaydaanka iska naar oo tuko waa xaq taniye, bal waakaase waysadiiba garo, waa laba talaabo hore u qaad haddana gadaal usoo qaad iyo habartii raadkeeda ku noqoneysay.

Waa xaq oo nafkastaa Geerida way dhadhamineysaa awalba garaadkayga iyo maskaxdeydu si waadax ah bay uga dhaadhacsaneyd, waana waajib iney yaqiinsadaan oo waa qawl Eebe iyo aayad quraana, haddana soomalidu waa hore waa tii tidhi geeridu nimaanad garaneyn iyo geel jirey ku fiicantahey.

Nafiisa Cali Xasan Waceys oo geerideedu isoo gaadhey April 3, 2016, waxaanu ahayn saxiibo isku dheer aan idhaahdo labada hooyadu dhashaanu iskaga hilib dhaweyn, waxey ahayd xubin Qoyskeyga ka mida halka aan ana ahaa Xubin qoyskooda ka tirsan, waxaanu aheyn mataano aan kala dhamaan, saddex baa qof lagu bartaaye jid intaanu wada marney tiro iyo cadad ma leh, jidiin intaanu wada cuneyna illaheybay u xisaabsan tahey, jabad intaanu wada galneyna lama soo koobi karo.

Waxaanu isku baraney Dugsiga sare ee Gacan Libax sanadkii 2007, waxaanu wada bilaabaney kalaaska kowaad ee dugsiga sare, sawirkan taariikhdiisu waa 05/2008

illahey mahadii waanu wada dhameynay, waxa noo xigey dugsiga farsamada gacanta ee Hargeysa Technical Institute kaas oo aanu in muddo ah wada dhiganey kasoo gudub, haddana, nasiib wanaag waxaanu kuwada biirney jaamacada qaranka ee University Of Hargeisa halkaas oo aanu laasaney afar sano oo gaw ah waxa kuu dheer wax barashooyinka lagu qaato koorsooyinka mudooyinka gaagaaban, taasoo aanu soo qeyb saney dhib iyo dheef, waayo badana aanu ka soo wada gudubney.

Mudadaa tobanka sano ku dhawaadka ah waxa cajaa,ibaad leh inaaney maalin kaliyana Alle haka yeele aanu xurguf, xanaaq iyo hadal xumi na dhex marin.

danteyda iyo horumarkayga aad bay u jeclayd uguna farxi jirtey ana sidoo kale farxadeedu waxey ahayd mid qalbigeyga qaboojisa halka walwalkeeda iyo walaaceeduna ahaayeen kuwo aanan ka gam,in, sidaanu isaga ag dhaweyn waxaanu isla gaadhney heer aanu xaaladaha nala soo darsa isla hal jawaab  ka bixino, isku dookh iyo damiir baanu noqoney, Ul iyo diirkeed baanu noqoney, isa saameyn bani aadman is saameeyo heerka u sareysa ayaanu ka gaadhney heer aanu isha iska fahano goob kastoonu joogno.

Balse, gabeygii (AHUN) Xaaji Aaden Af-qalooc waa kii lahaa “Naftu waa tu qudha oo ma jiro taajir hadhayaaye” Tana waa laga tagayaaye haddana geeridu kala xanuun badan oo kala naxdin baden “Abidkiiba rag waa go,i jiree tanise waa gaw,e”.

Halkan waxaynu kusoo qaadan doonaa tixo baroor diiq ah,

  • Aduunyooy qiima daran
  • Inaad tahay hawiyo been
  • Inaad tahey habeeniyo maalin
  • Horeba waa loo ogaa
  • Itaal ina aadan leeyahay
  • Cataabiyo oohinyo Way
  • Ineenay wadka baajineyn
  • Horeba waa loo ogaa
  • Inaad ana ii timood
  • Halkaa Ooftiyo Wadnaha
  • Arami aan laga bogsooniyo
  • Falaadh iyo Eebo kulul
  • Inaad ila beegsatay
  • Caawaba waaniga arka
  • Inta Naarta Laga Xoreeyee
  • Laga dhaqey gaf oo idil
  • Danbi dhaaf Alla lehe
  • Intii Nabiga Raacdayee
  • Naxariista Eebana ku maneysto
  • Noqo,oo, Afaafkii Naciimiyo
  • Fardawsood Ehelkeeda Noqotaan
  • Alle kaaga bariney

Curintii Hibo Ciise

  • Habeen iyo maalin noolba
  • Heddiisu qof bay dhamaane
  • Hadday taadi ahaatay
  • Jannada hoy wacan ku yeelo
  • Qarbriga hawl yari ku seexo
  • Intii ambiyada la hoy ah
  • Adoomaha heer sareeya
  • Dhib iyo hawl laga ilaashay
  • Hakaa dhigo EEBAHEENU

Curintii Hal-abuur C/Wali Daa,uud

  • Xanun weeyaan hadana
  • Marqudha maqal soo dhacoo
  • Masiiba siday wadeene, Miyaa
  • Maantana dunida Nafiisa kasoo
  • Xidheen, Miyaan kaftan sooryo ley
  • Dhaguhu dib usii maqley, Axeey
  • Murugadu xumaa adoon ka wanaagsanoo
  • Salaad wakhtigeeda taal Marqudha an
  • Ka daalinoo iimaanku biley aheyd
  • Aheey murugadu xumaa, Maalintu
  • Nagu fool xumaa, adoo dunidani is
  • Bidey ka gaadhey inteeda bilan sugaya
  • Inteeda mudan, Qadarka dhacey fool xumaa
  • Axeey Murugadu badnaa, Masiibadu
  • Kula xumaa, Mirtey miratey miyirkaygiiyo xusuuso
  • Horlaan galnee, Adoon axadkaa ka mudan
  • Akhlaaq iyo diin ka wacan , Ma arag abikedy walee
  • Wanaaga Allaa baxshoo, Ciduu rabo oof sadee
  • Aheey murugadu xumaa, Qadarka dhacey fool xumaa
  • Galabtoo way naga tagtee, Murugaanu la ciireynaa

Curintii Mabruuka Aden Muxumed

Waxaanu illahey uga baryaynaa isagey raxmadiisu waasac tahaye inuu xawdkii janada ka waraabiyo, danbigii iyo daalkii aduunyadana, naxariis iyo jano ay ku ilawdo inuu siiyo anagana sabir iyo iimaan saadiqa naga siiyo, kuwii janada ku kulma Allow naga yeel.

AAMIIN………..AAMIIN………… AAMIIN………….AAMIIN

Akhristaha sharafta lahow fadlan hakala bakhaylin ducada, intii ay aqoon isku lahaayeena waxan ka codsanyaan iney cafiyaan.

Hibo Ciise Maxamed

Hibafaakhir@gmail.com