Yaa Iska Leh Masuuliyada Qabyo Tirka Xeerarka Dastuurka Jam. Somaliland

0
371

Yaa Iska Leh Masuuliyada Qabyo Tirka Xeerarka Dastuurka Jam. Somaliland

kolkaa Golaha Xeer Dajintu qayb wayn ayay ku leeyihiin siinta awoodaha loo isticmaalayo boobka, iibka iyo wareejinta hantida umada

Daganaana uma dhalan = Dubaha igu soo maqan

Lagu sii dareemoo = Jeeroo dakharku igu dhaco

kama sii digniin helo (waxa ka dhigan G.wakiilada)

Xukuumada M/weyne Siilaanyo waxay ka faa,iidaysanaysaa Xeerarka Qabyada ah ee Dastuurka JSL, Waxaanay Cadaysay inay la wareegayso dhamaan Hantidii Umada ka dhaxaysay si aan sharciga waafaqsanayn, Maadaama aanu jirin (Xeerka Daryeelida iyo Ilaalinta Hantida Guud) ee qodobka {12aad}Faqradiisa {2aad} Dastuurka JSL. Hadaba waxa nasiib daro ah in Golaha Xeer-dajintu ay maanta kasoo saareen bayaan ay kaga hadleen Hantitadda guud ee loo wareejinayo habka aan Sharciga Waafaqsanayn ee ku kacdo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo. Hadaba Golahii wakiilada ee umadani soo dooratay shaqadooduna ahayd in sameeyaan ama dhamaystiraan

Shuruucda iyo Xeerarka qabyada ah, ma waxay ku baraarugaan markay xukuumadu uga faa,iidaysato sida ay rabto ee iyada raaligalinaysa, kolkaa Golaha Xeer Dajintu qayb wayn ayay ku leeyihiin siinta awoodaha loo isticmaalayo boobka, iibka iyo wareejinta hantida umada ee xukuumadu wado. Mar haday ku fashilmeen inay sameeyaan wixii lagu xakamayn lahaa xukuumada ee ka hor istaagi lahaa awoodaha sharci darada ah ee ay isticmaalayso, kuna wareejinayso hantidii umada haday tahay dhul dawladeed, dekadii berbera iyo haamihii shidaalka berbera oo dad khaasa lagu wareejiyay iyadoon loo adeegsan wax sharci ah.

Ilaahow xaqa nagaransii oo xukuumad wanaagsan noo door, mid dadka iyo dalkaba cadaalad, sinaan iyo horumar ku dhaqda umada reer Somaliland.

Mohamed Adan Gacayte

Hargeisa/Somaliland

Daganaana uma dhalan = Dubaha igu soo maqan

Lagu sii dareemoo = Jeeroo dakharku igu dhacao

kama sii digniin helo

waxa nasiib daro ah in Golahii Xeer Dajintu Inay ku boobto oo ay la wareegto hantidii Umada ka dhaxaysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here