Yaa Yidhi Hargeisa Waa Caasimad?‏

0
439

Waxaa Dastuurka Qodobkiisa Saddexdaa Ku Qoran In Caasimad JMS Laga Dhigo Magallada Hargeisa Laakiin Waxaa La Odhan Karaa Waxay Ahayd Tallabo Lagu Deg Degay Waayo Lama Fiirin Qodobadii Caasimad Lagu Dooran Lahaa

Waxaa Lagu Fekerayay In Caasimada Laga Dhigo Mid Ku Meel Gaadh Ah Balse Si Aan Ku Tallo Gal Ahayn Ayaa 2000 Shacab Waynaha JMS Uu Codeeyeen Dastuurka In Uu Boqolkiiba 97% Yahay Mid Shacabku Aqbaleen Taaso Oo Uu Ka Mid Ah Qodobkan In Caasimada Laga Dhigo Hargeisa.

Hadaba Inagoo Hoos Ugu Daadagayna Mowduuceena Aynu Bal Milicsano Waxyaabaha Ayna Hargeisi Marnaba Uu Noqon Karin Caasimad Laga Xukumo 12Gobol Iyo In Ka Badanba.

A. Waxa Ay Uu Dhowday Xadka Itoobiya: Hadaba Qodobkan Ayaa Ah Mid Muhiim Ah Caasimada Waxa Ay Wax Ka Yar 150km Uu Jira Xadka Dalka Aynu Jaarka Nahay Ee Itoobiya Taas Oo Si Sahal Ah Lagu Soo Geli Karo Haddii Ay Colaaddi Ka Dhex Hurto Dalalka JMS Iyo Itoobiya , Waana Khatar In Ay Masaafo Intaa Leeg Uu Jirto Xuduud Kale.

Hadaynu Eegno Inta Ay Uu Jirto Gobolka Sanaag Oo Ah Gobolada Bariga Ugu Xiga Somaliland Ayaa Waxay Caasimadu Uu Jirtaa Masaafo Ka Badan 450km Taasina Waxay Ku Tusinaysaa Sida Ay Ugu Fog Tahay Gobolada Kale Ee Bariga JMS.

B. Biyo La’aan: Caasimada JMS Somaliland Ee Hargeisa Waa Mid La il Daran Biyo La’aan Baahsan Oo Ka Jirta Caasimada Dhexdeeda , Waxaan Jirta In Todobaadad Qaar Ayna Biyaba Helin Xafaadaha Magalladu.

Sido Kale Labada Daamood Ee Hargeisi Ka Kooban Tahay Daan Dhan Ayaa Bilaa Biyo Ah Oo Booyado Loogu Keenaa Biyaha

Caasiamad Bilaa Biyo Ah Yaa Ku Noolaan Karaa? Akhriste Adigaan Ku Dhaafayaa Su’aasha Jawaabteeda.

C. Caasimad Bilaa Waddo Ah : Gebi Ahaanb Caasimada Malaha Hab Ama Nidaam Loo Dhiso Qaabka Loo Dhisanaayo Aqalada ,Sida Ay Uu Dhan Yihiin Xaafaduhuna Way Is Wada Dhex Yaalaan Sida Weelka Oo Kale Taas Oo Sababtay Waddo Xumo, Oo Xaafada Qaar Ayaaba Jira Aan Lahayn Wadooyin Loo Maro Waana Mid Dhibteeda Iyo Khasaaraheeda Leh.

Tusaalle Ahaan Imika Markaad Ka Timaado Wadad Xaga Galbeedaka Ee Magallada Hargeisa Hal Waddo Oo Qudha Ayaa Suuqa Ku Gaynaysaa , Waa Wax Aad Loola Yaabo In Hal Wado Oo Qudha Ay Leedahay Halkii Loo Maraayay Suuqa Caasimada , Waana Astaantan Kale Ee Aan Ku Saluugay In Hargeisi Noqoto Caasimada.

Sidaas Oo Kale Markaad Ka Tagayso Suuqa Waxaa Kuu Banaan Labo Wado Uu Qudh Iyada Laftigeedu Waa Mid Aad Loola Yaabo In Caasimad Dhan Ay Lahaato Saddex Waddo Oo Qudha. Oo Ah Mid Suuqa Ku Keenaysa Iyo Labo Suuqa Kaa Celinaaya

Hadaba Magallada Hargeisa Maxaynu Odhan Karna Way Ku Wanaagsan Tahay.

Markaan Sidaa Uu Eegaya Magallada Hargeias Waxay Ku Haboon Tahay In Laga Dhigo Magallo Ganacsiyeed Iyadoo Wax Ka Bedel Lagu Samaynaayo Dastuurka JMS Waxaan Caasimada Ku Wanaagsan In Loo Raro Meel Biyo Leh Wadooyin Leh Kuna Taalla Dhexdhexaadka JMS .

Waxana Magallada Hargeisana Loo Adeegsanaya In Ay Noqoto Magallo Ganacsiyeed Waayo Wadamo Badan Ayaa Jiraa Oo Ka Guuray Caasimadahoodii Iyagoo Ka Dhigay Magalla Ganacsiyeed,Ka Dib Markii Ay Buuxin Wayday Shuruudihii Loogu Talla Galay In Ay Ahaato Caasimad.

Maanatana Hagreisi Way Buuxin Wayday Shuruudihii Loogu Talla Galay In Ay Buuxiso Oo Ay Ku Noqoto Caasimad Sidaa Daraadeed Waa In Laga Guuro Iyadoon Loo Eegayan Hab Qabiil Ama Qabyaladeed.

La Soco Qaybaha Danbe…………

Abdizamad Hassan Ahmed

+252634337516/0659113994

Burco/Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here