Yaya Toure oo raali-gelin bixiyay

0
335

waaxa qoray yaasir br.

Laacibka khadka dhexe uga dheela kooxda Manchester City, Yaya Toure, ayaa raali-gelin siiyay kooxdiisa, asaga oo sheegay in uu ka xun yahay “is-fahan waa horay u dhacay.”
Tababaraha kooxdaasi, Pep Guardiola, ayaa sheegay in aanu u ciyaari doonin laacibkan 33 jirka ah ee Ivory Coast u dhashay, ilaa iyo inta uu wakiilkiisa raali-gelin ka bixinayo dhaliil uu u jeediyay go’aankii looga reebay ciyaaraha horyaalka Yurub.
Toure ayaa farriin uu soo dhigay bartiisa Facebook ku sheegay, “waxaan raali-gelinta bixinayaa aniga oo ku hadlaya afkeyga iyo kuwa i matala.”
Waxa uu intaa ku daray in hadalka uu sheegay wakiilkiisa aan loo qaadan karin fekerka uu ka qabo naadiga Manchester City ee uu ka tirsan yahay.