telesom_4g_webbann550x129er  Final-Group (1)

YEMEN: In ka badan 40 ruux oo ku dhimatay weerar ismiidaamin ah

Ugu yaraan afartan askari ayaa ku dhimatay weerar ismiidaamin ah oo uu gaystay qof isqarxiyey oo ka dhacay magaalada dekadda leh ee Cadan ee Koonfurta dalka Yemen.

Weerarka oo ka dhacay goob ku dhaw saldhig ciidan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay askar kale oo fara badan, waxaana lala beegsaday askarta oo ku jirtay saf si ay u qaataan mushaarkooda .

Waa weerarkii ugu dambeeyey weeraro xiriir ah oo lagu beegsanayo ciidamada la qorayo dalka Yemen.

Todobaad ka hor, xooggaga la baxay dawladda Islaamka ayaa ayaa ku dilay 50 askari magaalada Cadan, halkaas oo ay ka taliso dowladda caalamku aqoonsan yahay ee dalka Yemen.

332 total views, 0 views today

Comments

comments




Plugin from the creators ofBrindes :: More at PlulzWordpress Plugins