‎Karasharka_Cumaaniga‬ : Waxyeelada baahsan ee Caafimaaddaro iyo Samaynta taban ee Hawl-maalmeedkiisa

0
559

‎Karasharka_Cumaaniga‬ : Waxyeelada baahsan ee Caafimaaddaro iyo Samaynta taban ee Hawl-maalmeedkiisa.

***********************************************************************************************************
Marka laga gudbo Garashada iyo Damiirka qofnimo, Waxa jira waajibaad iyo masuuliyad ay qofka farayaan aqoonta uu kasbaday iyo waliba doorkiisa qofeed ee bulshada uu ka midka yahay. Haddaba waxa isweydiintu tahay, Muwaadinku haddii uu ka hadlo xaqiisa dastuuriga ah iyo wax alle wixii samayn taban ku leh noloshiisa qofnimo iyo bulsheedba, Maxaa loo siyaasadaynayaa amase loogu suntayaa waxaan sii ridnayn oo caqliga fayoobi aanu aqbali-karin.

Shakhsiyan iyo inta aanu kasmo-wadareedka togan ku midaysanahayba, waxa naga go’an in aan Habrasho, Beerlaxawsi, Qof-jeclaysi, Dano-gaar ah iyo Siyaasad midna noqonkarayn caqabad hor istaagikarta qiyamkayaga Muwaadinimo.‪#‎Xaasha‬!! Ma nihin Siyaasiyiin amase dad u jeelqaba inay ka dhex muuqdaan nidaamka siyaasiga ah balse waxaanu nahay Muwaadiniin.
3

Laaxin laga jarimaayo ! Waligeedba Waa Walaahi ! Waa Walaahi !. Haddaan usoo laabto dulucda qormadda weedhani khusayso waxa ay tahay Waxyeelada iyo dhibaatooyinka caafimaaddaro ee hawl-maameedka shaqo ee Karasharka Cumaanigu ku keenay amase hayo bulshada xaafadaha Masalaha bari iyo Koonfurta degmada M.Mooge. Haddaba waxa jira in hawl-qabadka joogtada ah ee ridqidda jayga iyo dhalaalinta daamurka ee karasharkani ku hawlanyahay ay waxyeelaysay fayo-qabkii guud ee bulshada xaafadaha ku xeeran iyo deegaanka uu ku yaalaba oo ay marayso heer ay diyaaradihii maxaliga iyo caalamiga ahaaba cabasho ba’an ka muujiyeen taas oo dhaawicikarta in ay sii wadaan duulimaadyadooda iyo waliba isticmaalma gegida diyaaradaha ee Hargeisa.

Waloow ay dhawaan soo baxayso daraasad balaadhan oo cilmiyaysan taas oo bahda caafimaadku ka diyaarisay karasharkan, Maqal iyo Muuqaalna idinku soo gaadhidoonta, Waxaan halka kan si kooban idiinku soo gudbinayaa waydiimo ula-jeedkoodu yahay inaad si cilmiyaysan oo hufan uga dareencelisaan.
4
‪#‎Waydiimo‬ Fadlan si degen oo aqoon iyo dareen-damqasho oo muwaadinimo ku dheehanyihiin uga halceli. Waa inaga reebanyihiin qabyaaladda, Duridda iyo Weedhaha xajiimaysan ee cid gaar ah lagu waxyeelaynayo.
5

‪#‎Q1‬. Maxaa lagu doortaa amase bud-dhig u ah in la tixgeliyo oo laga fikiro marka goobta rasmiga ah ee ku haboon laga yagleelayo karashar hawshiisu tahay ridqida jayga iyo dhalaalinta daamurka amase in jayga iyo daamurka isku qasaba ??
6

‪#‎Q2‬. Caafimaadka iyo Fayo-qabka guud ee bulshada ka ag-dhow maxay saamayn ku yeelankaraan dhaska iyo walxaha kiimikada ah ee ka dhalanaya ridqida jayga iyo dhalaalinta daamurkuba ??
7

‪#‎Q3‬. Xajmiga waxyeelo ee deegaanka iyo diyaaradaha isticmaalaya garoonka uu ku keenayaa waa mid intee leeg, Si kale hadaynu u dhigno cabashada ay diyaaraduhu ka muujinayaan karasharkani ma dhantaali-doontaa wadashaqaynta iyo hawlgalka adeegyada duulimaad ee diyaaradahani kaga hawlgalaan dalkeena. ??
8

‪#‎Q4‬. Waa ayo cida ka masuulka ah dhibta iyo waxyeeladan caafimaaddaro ee karasharkani ku keenayo bulshada, deegaanka iyo sumcadda madaarkaba ? Ka hadalka iyo wax ka qabashada dareenka dadka deegaanka iyo dhibta jirta yaa ka masuul ah oo waajibkeedu saaranyahay ??
1
Gebo-gebadii anigoon ka hordhacayn nuxurka daraasada maqal iyo muuqaalka ah oo macluumaad badan koobsanaysa, taas oo dhinac walba ka istaagtay in ay soo gudbiso dareenka iyo fariinta shacabka, aragtida waxgaradka iyo aqoonyahanka, xajmiga waxyeelada caafimaaddaro iyo dhibanayaashaba. Dhanka kalana xogta ay daraasadani gudbinaysa waxa weeye mid su’aal kasta ay ka jawaab iyo talo-bixinayaan cid ku haboon haday yihiin Enigeers, Environmentalist, Health Officers, Local community and Academics … Haddaba Post-gan wuxu ku talogalkiisu yahay in aanu helno aragtida bulshada oo ka baxsan xogta daraasada si ay u noqoto mid ka mid ah kaabayaasha daraasada “Supportive Documents”. Wa bilaahi tawfiiq.

2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here