Afhayeenka Dhaqanka Salaadiinta Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Eheladii Marxuum Axmed Xasan Cawke

0
428

Afhayeenka Dhaqanka Salaadiinta Somaliland Oo Dhambaal Tacsi Ah U Diray Eheladii Marxuum Axmed Xasan Cawke

Hargeysa(Warsugannews) Afhayeenka Salaadiinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray) Ayaa dhambaal Tacsi ah u diray Suxufigii Weynaa Rugcadaagii Saxaafada Soomaaliyeed Axmed Xasan Cawke Oo Xalay Naskii Dambe Ku Geeriyood Magaalada Jigjiga .

Afhayeenka Salaadiinta Dhaqanka Somaliland Suldaan Yuusuf Maxamuud (Xiiray) Ayaa Waxa uu tacsidan Gaadhsiinayaa ehelada, qaraabada, asxaabta iyo guud ahaanba umada afka somaliga ku hadashay geeradii naxdinta lahayd ee ku timid alle haw naxariistee marxuun Axmed Xasan Cawke.

Wuxuu marxuumka ilaahay uga baryayaan inuu naxariistiisa jano ka waraabiyo, dhamaanba ehelkiisa, asxaabtiisa iyo guud ahaan umada afka somaliga ku hadashaba uu samir iyo iimaanka siiyo.

Aamiin Aamiin Aamiin