Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Si wayn loogu soo Dhaweeyay Wakiilkii hore ee Arrimaha Xajka Somaliland Amb Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) +Sawiro

0
544

Waxaa Maanta Magaalada Hargaysa Si wayn loogu soo Dhaweeyay Wakiilkii hore ee Arrimaha Xajka Somaliland Amb Axmed Aadan Dagaal (Axmed Safiina) .

Hargeysa(Warsugannews)Soo Dhaweenta Masuulkan ayaa waxa ka qeyb qaatay Masuuliyiin kala Duwan oo isugu jiray ,Madax Dhaqameed , Masuuliyiinta , Xildhibanno , Aqoonyahan , Dhalinayro iyo Masuuliyiin kale .

Ugu horeen waxaa Halkaasi Hadallo soo Dhaween ah ka Yidhi Suldaan Axmed Cismaan Cadde-gude, Suldaan Aadan Xasan Waraabe , Suldaan Yuusuf Muxumed Xiiray waxaanay Dhamaantood si isku mid ah isaga daba mareen waxqabadkii uu muujiyay intii uu xilka hayay iyo Kaalinta uu kaga jiro qaranka Amb Axmed Safiinta , iyagoo ku sifeeyay in uu yahay Masuul karti badan oo wax qabad la taaban karo ka tagay .

Gudoomiyaha Ururka Haldoor Asad Yuusuf Ismaaciil oo Halkaasi ka hadlay ayaa si wayn ugu soo Dhaweeyay Dalka Amb Axmed Safiina .

Xildhibaan Siciid Maxamed Libaax oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aan mucaarad iyo muxaafad aan loo kala hadhin soo Dhaweenta Amb Axmed Safiina .
Gudoomiyaha Guddida Dhismaha Waddada Digaale Caaqil Xasan Ibraahim Xuseen ayaa isan Halkaasi ka yidhi Ereyo Soo Dhaween Ah .

Ugu Danbeentii waxaa halkaasi ka hadlay Wakiilkii Hore ee Arrimaha Xajka Somaliland waxaanu tacsi u diray Eheladii uu ka baxay Marxuum Dr Cabdi Aw Daahir .

Sidoo kale Wuxuu u Mahad naqay Dhamaan Masuuliyiintii sida diiran ugu soo Dhaweeyay Dalka .

Amb Axmed Safiina oo si watta hadalkiisa ayaa ka warramay muhimadda ay leedahay in danta qaranka loo midoobay oo la is kaashado , isagoo ku booriyay bulshada reer Somaliland in ay ka shaqeeyaan horumarka kana dheeraadaan qabyaaladda .

Amb Safiina ayaa mar uu ka hadlayay Isbahaysiga Kulmiye ee uu ka midka yahay ayaa waxaa uu sheegay in bulshadu ay si wayn u dhawrayo halka aanu geeddiga u Rarayno , balse waxaa afka Isbahaysiyga ku hadli doona Axmed Xuseen Caydiid.
IMG_5471

IMG_5487

IMG_5490

IMG_5496

IMG_5504

IMG_5507

IMG_5513

IMG_5523

IMG_5525

IMG_5526

IMG_5532

IMG_5539

IMG_5552

IMG_5554

IMG_5555

IMG_5566

IMG_5575

IMG_5577

IMG_5583

IMG_5589

IMG_5610

IMG_5651

IMG_5660