Caweyskii aan Tuse Aw-toosiye la qaatay : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

0
702

Caweyskii aan Tuse Aw-toosiye la qaatay : Waxa Qoray Cumar Seerbiya

Xasan Ismaciil Uur-cadde amaba Tuse-aw-toosiye kii aad u taqaano waqti uu ku qiyaasay 1951 ayuu ku dhashay Deegaanka Xagal oo aan Hargeysa ka fogayn sannado yar ka dib ayuu dalka Jabouti la geeyey oo ay qoyskiisa qaybi deganayd halkaasi oo lix sanno ayuu ku noolaa sannadkiisii todobaad ayaa Hargeysa la keenay halkaasi oo dugsiga wax barasho lagaga daray .

Sidan waxa iigu sheekayanaya waqti caweysin ah Tuse laftiisii oo jaakad, garan iyo macawis gashan .
Tuse waxa ugu weyn ee aan ugu imi waa in aan kala sheekaysto fankii uu muddada dheer ku soo jiray.
Markiiba waxaan ku bilaabay sheekooyin la xidhiidha fankiisa iyo bilawgii hore.

Xogta uu I siiyey Isaga oo arday ah ayuu jeclaa inuu heeso waxa uu qaadi jiray heesaha fanaaniinta waa Hargeyse ee la soco.

Sannakii 1968kii ayuu heeso u duubay idaacada Raadyaw Hargeysa waxaana sannadkaasii madaxa fanka la galay hobolo ay ka mid ahaayeen Axmed Gacayte Yuusuf , Yaasiin Axmed Digfeer , iyo Xuseen Yuusuf Tarabi.
Isla sannadahaasi isaga oo ah fanaan qaaday heeso dhawr ah oo ay ka mid ahayd heesta “miyirkii naftaay hadal koo midaad kala miidhayoo aad maroojisee ama midigta keen oo ila mushaax” ayuu u wareegay Muqdisho waxuu ku biiray kooxdii Horseed ee xoogga Dalka oo uu guddoomiye u ahaa Bashiir Ibraahim waxayna kooxda ku kulmeen Axmed Nuur Jaangoo iyo Cumar Nuur Cabdulle oo labaduba hobolo caan baxay noqday.

Tuse waxa uu aktar ka ahaa riwaayad saddex jeer la dhigay oo magaceedu ahaa If Iyo Aakhiro uu curiyey Abwaan Cali Diiriye Cigaal (Cali gaab) oo waqtigan Jabouti ku nool.

Riwaayada waxa uu ku matalayey magaca Tuse waxaana saddexda jeer la kala matalay gabdhaha kala ah Asli Maxamed oo geeriyootay oo iyadu ugu horaysya waxaana ku xigtay oo mar kale riwaayada la jishay Sahra Siyaad oo hadda qurbaha ku nool ugu damayntii waxa Jabouti kula dhigtay Sahra Axmed Jaamac , intaba isagu waxa uu sitay magaca Tuse halka ay hablaha u kala dambeeyeen magaca Dhool.

Waxayna caan baxday riwaayadu markan ay la dhigayso Sahra Axmed Jaamc ee Jabouti lagu matalay madaama iyada muuqaal fiican laga reebay waana burburkii Soomaaliya ka dib.

Tuse dhawr iyo labaatankii sanno ee ugu dambeeyey waxa uu ku noolyahay Hargeysa , waxaanu asaasay kooxda Goodir ee fanka u qaabilsan Booliska Somaliland waqtigan waa Gaashaanle suugaanta u sameeya kooxda , waxaanu ka walaacsan yahay qaabka fanka Soomaalidu u socdo oo waxa uu ku tilmaamay mid eray samayntiisu ka leexatay sidii saxda ahayd oo ay ugu weyntahay sarbeebtii oo laga guuray.

Waqtigii dawladii Maxamed Siyaad barre waxa uu ka tirsnaa Milatariga haddase waa Boolis waxaanu shaqadan u arkaa inay sababtay shaqadiisa oo askarinomo iyo fan markii horeba ahayd.
Waana Aabo dhalay sideed ubad ah walina naawilaya I nuu fanka ku sii dhex jiro magaciisa Xasan Ismaciil waxa ka dheereeyey magaca Tuse oo uu ka dhaxlay riwayadii If Iyo Aakhiro