Hargeysa Oo Si Balaadhan Loogu Xusay Sanad Guuradii14 naad Ee Ka Soo Wareegtey Geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal + (Sawiro)

0
1160

Hargeysa Oo Si Balaadhan Loogu Xusay Sanad Guuradii14 naad Ee Ka Soo Wareegtey Geeridii Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal + (Sawiro).

Hargeysa (Warsugannews) waxaa maanta si balaadhan looga xusay magaalada Hargeysa sanad guradii 14 naad ee ka soo wareegtay geeridii madaxweynihii hore ee Somaliland Maxamed Xaashi Ibraahim Cigaal
Xuskan oo lagu qabtey hotel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiiro, Xildhibaano , Saladiin, Haween , qaar ka mid ahaa golihii wasiirada ee marxuumka iyo dadweyne kale .

Ugu horeyn waxaa madasha hadalo kooban ka tidhi marwadii uu ka geeroodey Marxuum Maxamed Xaashi Ibraahim Cigaal Marwo Kaltuun Xaaji Daahir waxaana ay sheegtay in sababta ay xuskan u sameynayaan in ay tahay oo kalitaa sidii loogu duceyn lahaa alleh na looga baryihi laaa in uu naxariistii jano ka waraabiyo

Sidoo kale waxaa iyaguna madasha ka hadaley qaar ka mid ahaa dadkii aqoonta u lahaa marxuumka iyo qaar ka mid ahaa golihii wasiirada ee uu xukuumadii madaxweyne Cigaal oo ay ka mid yahiin wasiirkii arimaha gudaha ee xukumadaasi Prof.Gees , wasiirkii arimaha dibada Cabdilaahi Maxamed Ducaale , Wasiirkii dalxiisa iyo dhaqanka oo iminkana ah muddane golaha wakiilada Xildhibaan Aareeye iyo xildhibaan Xamuud waxaana ay dhamaantood si baaladhan uga sheekeeyn tariikhdii marxuum Cigaal iyo halgankii uu u galay in uu dalka dhidibada u taago iyaga oo ku sifeeyey halyey qaran oo aanay marnaba Somaliland ilaawin Doonin .

Dhinca kale waxaa hadalo kooban madasha ka yidhi Wasiirka warfaafinta Mr.Caadani , gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe , musharaxa madaxweyne ee xisbigaasu Jamaal Cali Xussen Suldaanka guud ee beelaha Sacad Muuse Suldaan Xassan waxaana ay xusen in Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu ahaa aabihii qaranka Somaliland lugaha u taagey iyaga oo carabkana ku adkeeyey in aad loo adkeeyo tacabkiisii oo maanta ay hadhsaneyso dhamaanba shacabka reer Somaliland
1-5

2-5

3-4

4-4

5-4

6-3

7-3

8-3

9-2

10-2

11-2

12-2

13-2

14-2

15-1

16-1

17-1

18-1

19-1

20-1

21-1

23

24

25

26

27

28

29