Weftigii DP World ee Heshiiska Dekeda Berbera madaxweynuhu la saxeexday oo dalka yimid iyo Kulan ay la yeesheen Mweynaha +Sawiro

0
627

WAR-SAXAAFADEED: 24/05/2016
Hargeysa(Warsugannews)Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabiley Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha shirkada Dekeda caalamiga ah ee DP World oo uu horkacayo agaasimaha guud ee Shirkadaasi Sultan Ahmed Bin Sulayem, weftigaas oo saaka ka soo degay madaarka diyaarahada ee Berbera, soona kormeeray dekeda Berbera, ka dibna u soo duulay Hargeysa, kana soo degey madaarka Egal International Airport.

Madaxweynaha ayaa ereyo soo dhawayna ku qaabiley weftigaas waxanu yidhi ā€œwaxanu idinku soo dhawaynayna wada shaqayn rasmiya oo aynu wada yeelano iyo walaalnimo aad ku timaadeen dalkiinii labaad oo ah Somalilandā€ Waxa hadalkii la wareegay agaasimaha guud ee shirkada waxanu si balaadhan uga mahadnaqay soo dhawayntii Berbera ilaa qasriga madaxtooyada, isagoo arrintaa ka hadlaaya waxa uu yidhi, ā€œMadaxweyne waxa aanu kaaga mahadnaqaynaa qaabilaada iyo soo dhawayntii balaadhnayd ee la noo yeeshay intii aanu dalka joognay ā€.

Ka dib waxa uu gudoomiyaha shirkadu ka hadlay kormeerkii ay ku sameeyeen saaka dekeda caalamiga ee Berbera iyo qaybeheeda kala duwan, waxanu si gaara u amaanay masuuliyiinta iyo shaqaalaha dekeda Berbera, isagoo si gaarana farta ugu fiiqay Maareeyaha dekeda Berbera Eng Cali Cumar Maxamed (Cali Xoor-xoor), oo uu ku sifeeyey nin aqoon dheer u leh dekeda uu maamulaha ka yahay, kuna haboon shaqadiisa, markuu arrintaa ka hadlayeyna waxa uu yidhi ā€waxa aanu soo kormeernay dekeda iyo qaybeheeda waxa aanu ku soo aragnay shaqo wanaagsan, inay meel wanaagsan ku taallo, dadka maamulayaana ay yihiin kuwii ku haboonaa shaqadaasi. Waxa kale oo aanu soo aragnay deked ku taalla meel istaraatiiji ah, oo ah dekedii aanu rabnay in aanu la macaamilnoā€.

Markii laga soo baxay xafiiska madaxweynaha, waxa wada jir saxaafada ula hadlay wasiirka arrimaha dibeda Somaliland Dr Sacad Cali Shire iyo Agaasimaha guud ee shirkada DP World Sultan Ahmed Bin Sulayem.

Wasiirka oo hadalka ku horeeyey ayaa ka waramay in weftigani yahay wefti balaadhan heerkiisuna sareeyo, kana socda shirkada DP World. Isagoo intaa uga gudbay inuu sharxo qorshaha iyo himilooyinka laga leeyahay dekeda caalamiga ah ee Berbera iyo heshiiskan la xidhiidhaba.

Wuxuu tilmaamay in weftigu aad ugu farxeen boqashadooda Somaliland iyo indho-indhayntii ay ku sameeyeen dekeda. Wasiirku waxa kale oo uu fursadaa uga faaā€™iidaystay inuu salaan iyo mahadnaq u diro Amiirka Dubai, Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum, madaxda Imaaradaasi iyo madaxda Dubai Ports World, sidii quruxda badnayd ee weftigii madaxweynuhu hogaaminayey loogu soo dhaweeyey imaarada Dubai.
Wasiirku waxa uu u gudbay inuu ka hadlo nuxurka heshiiska labada dhinac dhex maray, cilaaqaadka u dhexeeya Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxanu yidhi ā€œSomaliland iyo Dalka imaaraadka Carabta, waxay leeyihiin xidhiidh aad iyo aad u fog oo taariikhiya, ganacsi ayaa inaga dhaxayn jiray muddo badan, dad badan oo reer Somaliland ah ayaa degan oo ka ganacsada oo qaarkood ay leeyihiin dhalashada Imaaraadkaā€
Isagoo hadalkiisa sii wata wasiirku waxa uu yidhi ā€œwaxan soo dhawaynaynaa maalgashiga Berbera, dhismaha iyo horumarka Berberaā€. Wasiirku waxa uu intaa ku daray in aanu mashruucaasi ku ekayn dekeda Berbera iyo hawlaheeda oo qudha, waxanu sheegay inay la socoto qaybta loo yaqaano, qaybta ganacsiga xorta ah, isagoo arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi ā€œwaxa la socda qaybta ganacsiga xorta ah lagu sameeyo (Free Zone) oo la mida sida qaybta Jabal Cali ee ku taala Imaarada Dubai. Waxa kale oo ku lamaansan Isfahan guud oo aanu kala heshiinay shirkadaas, kana mid yihiin wadada isku xidha Berbera iyo Wajaale, beeraha, tamarta, xagga shaqo abuurka oo labada dhinacba faaā€™iido u leh. Waxa kale oo aanu kala hadalnay, dal ku galka ay ganacsatadeenu isticmaali doonaan oo ah sharciga ay dalkaa ku geli karaan kuna joogi karaan, waxanay naga ballan qaadeen inay arrintaa ka hawlgelayaan, codsina u qadimayaan amiirka dalkaasi, sidii loogu fudaydin lahaa arrintaasā€.
Wasiirku waxa uu sii dhex galay nuxurka heshiiska iyo faaā€™iidooyinkiisa, waxanu yidhi ā€œHeshiiskani waxa uu dhiirigelinayaa dad badan oo danaynaya inay dalkan maalgaashadaan, marka dalka la maalgashadana shaqo ayaa ka abuurmaysa, taasina waxay inoo suurto gelinaysaa inaynu maarayno dhallinyaro badan oo kuweena ah oo shaqo laā€™aan haysato, taasoo ah mudnaanta dawladan. Wuxuu u gudbay faah-faahin uu ku sameeyey mashruucan waxanu yidhi, mashruuca wejigiisa hore waa laba qaybood. Qaybi waa dekeda iyo waxa laga qabanayo, waxana weeyi in la balaadhiyo, lana tayeeyo ee maaha uun waa la maamulayaa oo maamulka dekeda hore inagu waynu ku fillan nahay. Waxase weeye in dekeda la waynaynayo oo lagu darayo 400M mark hore, iyadoo mardanbena lagu dari doono 400M oo kale. Mar uu ka waramayey shaqaalaha dekeda iyo mustaqbalkoodu sida uu noqon doono, wasiirku waxa uu yidhi shaqaalaha ka shaqeeya dekedu sidooda ayey uga shaqaynayaan.

Arrintaa dhawr jeer ayaanu waydiinay waxanay sheegeen in shaqaalaha dekeda wax ku kordha mooyaane aanay waxba ka naaqusmayn. Markay arrintaa ka hadlayeena waxay yidhaahdeen in markii ay dekeda Jabuuti ka hawlgaleen shaqaalihii joogay wax ku kordhay mooyee aanay waxba ka naaqusmin.

Ugu danbayn wasiirku hadalkiisa waxa uu sheegay in heshiiskaasi yahay mid dhex maray laba dawladood oo ah Somaliland iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Waxaanu u soo jeediyey shacbiga Somaliland kuna dhiirigeliyey inay soo dhaweeyan mashruucan oo uu ku sifeeyey mid albaab dhaqaale iyo mid siyaasadeed u furaaya dalka, saaxiibo badana aynu ku kasbanayno sidaa awgeedna xilka ina saarani uu yahay soo dhawaynta iyo isbarbar taaga heshiisyada noocan oo kale ah.

Dhiniciisa waxa hadalkii la wareegay agaasimaha guud ee shirkada, Sultan Ahmed Bin Sulayem oo ay ka muuqatay kalsooni iyo weji furnaan, waxanu hadalkiisa ku bilaabay ā€œwaxa ii farxad ah sharafna ii ah in aan idinla joogo Hargeysa. Waa socdaalkaygii ugu horeeyey, dareen I taabtay ayaan kala kulmay, manaan moodayn in dalkani intaa leeg yahay, waanan rumaysan kari waayey.ā€

Wuu sii watay hadalkiisa oo waxa uu yidhi ā€œwaxan booqday dekeda berbera iyadoo uu gadhwadeen noo yahay Eng Cali Xoor-xoor wanan ku farxay shaqada ka socotay iyo khibrada ay leeyihiin masuuliyiinta iyo hawlwadeenada dekeda ka shaqeeya, oo aan runtii u qirayo inay hayaan shaqo wacanā€.

Socdaalkayagu waxa uu na geliyey kalsooni, waxa aanu ogaanay inay dekedani ay tahay tii ku haboonayd heshiiska taariikhiga ah ee aanu galnay, annagoo ka wakiila dawlada Isu-tagga Imaaraadka Carabta, heshiiskan oo ah mid ay wada galeen labada madaxweyne ee labada dal, markuu madaxweynuhu nagu soo booqday halkaas,.

Waxan labadayada dhinac ku heshiinay in aanu dekeda Berbera ka qaadno sida ay tahay, kana dhigno deked caalamiya oo casriya oo leh aagga ganacsiga xorta ah iyo qaybaha la dhigo qalabka dekedaha. Waa heshiis dhex maray laba dawladood, Imaaraadka iyo Somaliland iyo ummadahooda oo ay ku jiraan ganacsatada labada dhinac.

Wuxuu bogaadiyey agaasimuhu mawqica juquraafi ee dekeda berbera, waxanu yidhi ā€œwaxa aanu aaminay halka Illaahay dhigay dekeda berbera ee ay dunida kaga taalo inay tahay meel wacan.ā€ Waxa kale oo aan ku faraxnay sida wanaagsan ee ay ugu xidhan tahay itoobiya oo ku haboon koboca dadka iyo dhaqaalaha Itoobiya oo ay tahay dekedii ku haboonayd inay u adeegto dadkaa tirada badan.

Wuxuu ka hadlay oo kale qaybta ganacsiga xorta ah ee dekeda waxanu yidhi ā€œqaybta dekeda ee xorta ahi waxay noqon doontaa qayb ganacsatada caalamka soo jiidataā€. Wuxuu u gudbay inuu ka waramo shirkada DP World iyo Awoodeeda, isagoo arrintaa ka hadlaayana waxa uu yidhi ā€œwaxan leenahay 30 sanadood oo khibrad dhinaca dekedaha ah. Waxan maamul ku leenahay dekedo gaadhaya 77 dekedood oo ku yaala 40 dal oo dunida ah gaar ahaan Afrika, kana mid yihiin Jabuuti, Masar, Algeria iyo Senegal iyo kuwo kale ā€.

Intaa ka dib waxa suā€™aalo laga waydiiyey labadaa masuul heshiiska dekeda, suā€™aasha koowaad oo ahayd halka looga dhaqaaqayo inta imika heshiiska qabsoontay, waxana ka jawaabay wasiirka Arrimaha dibeda waxanu yidhi ā€œwaxa aanu hadda kala saxeexanay heshiis hordhac ah. Qaybta heshiiska ee balaadhana waxa ka shaqaynaya garyaqaano insha ā€œAllaahunaā€ waxa aanu rajaynaynaa inay dhamaato bisha June ilaa July ee inagu soo fool lehā€.

Suā€™aal labaad oo ku saabsanayd in uu door ku leeyahay ganacsadaha reer Jabuuti ee Cabdiraxmaan Boorre heshiiska, isagoo ka jawaabaya agaasimaha guud ee shirkada DP World, waxa uu yidhi ā€œSheekadan ku tidhi ku teenka ah hore ayaan u maqlay, sidaad adiguba u maqashay ee ku saabsan Boorreā€.

Mr. Boorre wax shaqo ah kuma laha habayaraatee heshiiskan. Heshiiskani waxa uu dhacay muddo hore. Waxanu u taagan yahay kana turjumayaa heshiis dhex maray laba dawladood, isu-tagga Imaaraadka Carabta iyo Somaliland. Goā€™aanka in heshiiskan la galaana waxa lahaa labada madaxweyne ee labada dal.
Waa heshiis dhex maray laba dawladood. Waxa saamilay ka ah (Share holders) dawladda Somaliland iyo Imaarada Dubai. Cid kale waxba kuma leh, Boorrana hadalkiiba daa, wax dan ah oo uu ku leeyahayna ma jirto.

Weftigan balaadhan waxa dalka keenay oo hogaaminaayey Safiirka Somaliland ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta Amb. Baashe Cawil Cumar, oo isagu intii la magacaabay xoojiyey xidhiidhka labada dal, waxana weftiga ku soo dhaweeyey magaalada Berbera, Wasiirada,Arrimaha dibeda, madaxtooyada, Maareeyaha Dekeda Berbera,iyo Maamulka heer gobol iyo heer degmo ee Gobolka Saaxil.
DSC_3876

DSC_3860

DSC_3760

DSC_3736

DSC_3723

DSC_3721

DSC_3693

DSC_3664

DSC_3626

DSC_3575

DSC_3552

DSC_3532

DSC_3529

DSC_3526

DSC_3524

DSC_3517

DSC_3509

DSC_2540

DSC_2537

DSC_2527

DSC_2525

DSC_2523

DSC_2514

DSC_2510

DSC_2502

DSC_2501

DSC_2488

DSC_2484

DSC_2480

DSC_2474

DSC_2460

DSC_2452

DSC_2447

DSC_2436

DSC_2430

DSC_2414

DSC_2401

DSC_2358

DSC_2347

DSC_2312

DSC_2309

DSC_2306

DSC_2302

DSC_2285

DSC_2279

DSC_2274

DSC_2269

DSC_2264

DSC_2229

DSC_2220

DSC_2216

DSC_2201

DSC_2183

DSC_2175

DSC_2160

DSC_2151

DSC_2143

DSC_2141

DSC_2123

DSC_2110

DSC_2104

DSC_2067

DSC_2042

DSC_2033

DSC_2023

DSC_2017

DSC_2006

DSC_2005

DSC_1976

DSC_1971

DSC_1966

DSC_1962

DSC_1957

DSC_1953

DSC_1945

DSC_1940

DSC_1936

DSC_1933

DSC_1926

DSC_1921

DSC_1917

DSC_1913

DSC_1911

DSC_1910

DSC_1906

DSC_0132

DSC_0128

DSC_0122

DSC_0121

DSC_0119

DSC_0117

DSC_0113

DSC_0109

DSC_0095

DSC_0091

DSC_0088

DSC_0087

DSC_0085

DSC_0082

DSC_0071

DSC_0065

DSC_0064

DSC_0062

DSC_0059

DSC_0058

DSC_0057

DSC_0056

DSC_0054

DSC_0049

DSC_0044

DSC_0042

DSC_0040

DSC_0039

DSC_0031

DSC_0023

DSC_0014

DSC_0003

DSC_0002

DSC_0001
ALLAA MAHAD LEH

Cabdiraxman Sh. Cilmi Fahiye (Shamax)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.