Boorama-(warsugannews)-Kusimaha Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Ahna Gudoomiye Ku Xigeenka Mudane Axmed Mu’min Seed ayaa galabta Aas Qaran Xabaalaha Waqooyiga Boorama ee Faaraxyood kaga Qayb Galay Marxuum Xasan Caafi Dhinbiil ,oo ahaa Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI Laanta Dalka Sweden Eng.Xuseen Xasan Caafi Aabihii.
Aaskan Qaran oo ay ka soo qayb galeen Dadweyne aad u badan ayaa waxaa hadalo tacsi iyo taariikh nololeed ka soo jeediyay Mas’uuliyiintii goobtaas iskugu timid waxaana Marxuumka Alle looga baryay Inuu naxariistii Janno ka waraabiyo eheladii iyo qaraabadii uu ka baxayna Samir iyo iimaan Alle ka siiyo.