Soo dhawayn aan loo kala hadhin oo shacbiga Burco ku soo dhaweeyeen Weftigii madaxweynaha + Sawiro
Burco (Warsugannews) Madaxweynaha Somaliland oo ku soo laabtay Burco iyo Shacbiga ku dhaqan magaalada oo aan u kala hadhin soo dhawayn la yaab lehna kaga horyimaadeen weftiga madaxweynaha iyagoo ku sugaayey duleedka magaalada.
weftiga madaxweynuhu waxay ka soo laabteen socdaal ay saaka ku tageen Degmada Oog halkaas oo ay u tageen xuska Sanad guurada 22aad ee Ciidanka Qaranka, waxaana weftiga madaxweynaha Qadaro sharaf loogu sameeyey Magaalada Caynaba, hadhimo sharafeedkaa ka dibna Weftigii madaxweynuhu waxay u oo ambabaxeen dhinaca Wadaamo’goo markii ay soo gaadheen geedka weyn ee caanka ah ee loogu magac daray magaalada wadaamo’oo ayuu madaxweynuhu qadar nasasho iyo shaahayn ah la qaatay shacbiga ku dhaqan halkaas oo isugu soo baxay, hadhaca geedka taariikhiga ah.
Ka dibna Madaxweynaha Qaranku waxa uu halkaa ka sii watay safarkiisa uu ugu soo jeeday magaalada burco, markii uu soo gaadhay duleedka magaalada burcana waxa uu la kulmay Maamulka heer gobol iyo heer degmo, Madaxdhaqameedka, Siyaasiyiin, dhalinyaro, Culimo awdiinka, haween iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo madaxweynaha kaga horyimid halkaa, ummaddaas oo ay hogaaminayeen, Gudoomiyaha Gobolka iyo maayarka magaalada burco.
waxaana madaxweynaha lagu soo gelbiyey fardo, isaga oo madaxweynuhu u degay dadkii soo dhaweeyey ee madax-dhaqamdeedka u badnaa isagoo mid midna u gacan qaaday, iyadoo weftigii ay soo gaadheen gudaha magaalada oo ay wadada hareeraheeda is xidheen shacbi ay ka muuqato sida ay ugu heelan yihiin inay madaxweynahooda u muujiyaan niyad iyo taageero uu kaga kasbaday waxqabad, dedaal, iyo kormeero kala duwan oo uu marwalba kaga war hayo xaaladaha guud ee dalku ku sugan yahay isaga oo madaxweynuhu taariikhda ku gelidoono arrimo dhawra oo ay shacbigiisu markhaati uga yihiin.
Ugu danbayn weftiga madaxweynuhu waxay soo gaadheen Guriga martida ee magaalada burco oo uu madaxweynuhu ka degan yahay magaalada, ka dibna waxa shacbiga la hadlay afhayeenka madaxweynaha iyo Gudoomiyaha gobolka oo shacbiga uga mahadnaqay sida sharafta iyo karaamada leh ee ay u soo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa.