Niyad sami, aragti dheer iyo himilo Ayaanu Qabnaa waxaanu Doonaynaa in aanu Umaddan Seeska Ugu dhigno Maamul Wanaagsan
Baligubadle (Warsugannews) Ugu horayn waxaanu ka mahad naqaynayaa soo dhawayntii diiranaynd ee aad nagu soo dhawayseen magaalo madaxda Gobolka Hawd ee Baligubadle, aad ayaanu idinka mahad naqaynaa. Waftigayagani waxa nuxurka socdaalkayagu uu daaranaa in aanu u kuur galno hawlaha shaqo iyo duruufaha gobolka ka jira. waa ka mid gaadhigaa Ambalaaska ah ee aanu wadnay laakiin intayadan oo wasiiro ahi isuma aanu soo raacin.
Soo dhawaynta aad halkan nagu soo dhawayseen iyo hadaladiinii diiranaa waxay noo muujinayaan in dawladu ay halkan taageerayaal badan ku leedanahay, iyo in halkan dawladu ay magac iyo maamuus wanaagsan ku leedahay. Dawlahadu markay gaboobaan ee ay todoba sanadood ku dhawaadaan waxa lunta haybadooda iyo sumacdooda waxay taasi keentaa inay taageerayaashooduna lumaan, waxay u muuqdaan dawlad dhacaysa oo aan dad badan lahayn, Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ee xisbiga KULMIYE, waxay bulshada Somaliland ku leedahay maqaam fiican mudadaa todobada sanadood ah iyadoo 50% codka heshay, doorashadii Golayashaada deegaanka aanu cod badan helnay, maanta-na waxa muuqata in aanu taageerayaal badan bulshada ku dhex haysano, taa macnaheedu maaha baahi kasta oo jirta iyo dhibaato wal oo Umadda haysata ayaanu daboolnay ILAHAY (SWT) ayuubaa duruufahaa dabooli kara.
Hasayeeshee Madaxweyne Axmed SIilaanyo iyo Xukuumadiisu ujeedooyinkii loo doortay in badan ayey fuliyeen, waxna waa inaga qabyo, (Roomana Maalin laguma dhisin). Niyad sami, aragti dheer iyo himilo ayaanu qabnaa waxaanu doonaynaa in aanu Umadan seeska ugu dhigno maamul wanaagsan, in aanu seeska u dhigno barnaamij wanaagsan iyo qorshe lagu horumariyo kaabayaasha dhaqaale iyo adeegyahada bulshada taasoo Xukuumadda tan ka dambaysa iyo kuwa ka sii dambeeyaana ay dhaqi doonaan. Arintaas kama markhaati kaci doonaan ragaanu siyaasada isku haynaa, markhaatigaa uma daba fadhino, in aanu nahay Xukuumad bulshada taageerayaal ku dhex leh, laakiin waxaanu markhaatigaas ka sugaynaa bulshada Somaliland ee caafimaadka qabta.
Gobolka Hawd iyo magaalada Baligubadle waxay sooyaalka taariikheed ee Madaxweyne Axmed Siilaanyo kaga jiraan baal dahab ah, haduu Axmed Siilaanyo garan waayo Baligubadle ama u abaal gudi waayo waxa is waydiin leh kumaa garan doona Baligubadle? kumaa se u abaal gudi doona? Hadii Xukuumadda Axmed Siilaanyo halkan wax ka qaban waydo. Kumaa ka qaban doona? Ma midaan ku gaajoon? Ma midaan dibadeeda seexan? Ma midaan roob ku helin ayaa garan kara? Waa maya. Reer Baligubadle waxaan leeyahay wixii aanu qabanay waanu qabanay, waxa idinka dhiman waanu dareemaynaaye waanu qaban kari waynay, waase qaban doonaa. Sanadka hadhayna wax badan ayaanu Baligubadle ka qaban doonaa Insha Allah.
Xukuumadda KULMIYE barnaamij ayey leedahay way soo dayn doontaa, anaga barnaamijkayagu waa ka duwan yahay kuwa kale ee maanta la tijaabinayo, anagu waxaanu odhanaynaa waxaasna waanu qabanay, waxaasi waa dhiman yihiin, mid waliba halkuu joogo ayaanu garanaynaa laakiin raga kale meel ay ka bilaabaanba garan maayaan.”
Wa Bilaahi Tawfiiq
Guul Somaliland .