Daawo Caleemo saarayey Suldaanka Beel Weynta Aadan Mohamed ( Aadan Madoobe ) ayaa lagu qabtay Magaalada Baalidhaye ee Degmada Gaashaamo

0
635

Baalidhaye (WSN) Xaflad aad u Balaadhan oo lagu Caleemo saarayey Suldaanka Beel Weynta Aadan Mohamed ( Aadan Madoobe ) ayaa lagu qabtay Magaalada Baalidhaye ee Degmada Gaashaamo ee Dawlad Deegaanka Somalida Ethiopia.
Xafladan oo si aad u heer sareysa looga soo qeyb galay ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii kasoo qeyb galay Madaxda Dhaqanka iyo Siyaasiyiinta DDSI Gudoomiyayaasha Degmooyinka iyo Tuulooyinka iyo kuwa Gobolka.
Suldaanka Gootba lage Caleemo Saarey Suldaan Mustafe Mohamed Aadan ayaa waxaa goobta uu Caleemo Saarku ka Socday Lagu Gudoonsiiyey Hadyad Faras ah oo ay Gudoonsiisay Mid ka mid ah Beelaha Suldaanka Caleemo saartey.
Dhinaca kale Gudoomiyayaasha Tuulooyinka ay Degaan Beelaha Habarjeclo oo iyagu si weyn uga soo qeyb galay Caleemo saarka Suldaanka Beel weynta Aadan Madoobe ayaa waxay Baaq u direen Madaxweynaha Dawlad Deegaanka Somalida Etoobiya iyagoo ugu baaqey inay Tulooyinkani Helaan Xuquxdii ay ku lahaayeen Dawlada uu Hogaamiyo.
Suldaanka ay Caleemo saaratey Beesha Aadan Maxamed ayaa Noqonaya Suldankii ugu Horeeyey ee ay Beelaha Habar jeclo ku Caleemo saran Dhulweynaha itoobiya waxaana Xaflada Caleemo Saarka laga Dheehan karayey sida weyn ee Beesha Habar jeclo ee Deegaanka Ethiopia aanay ugu kala hadhin Caleemo saarka Suldaan Mustafe.
Gebobagadii Xaflada ayaa waxaa halkaas hadal qiimo leh ka jeediyey Suldaan Mustafe Mohamed Aadan, suldaanka oo hadalkiisu u badnaa mahadnaq ayaa wuxuu dhinaca kale balan qaadey inuu dadkiisa si Cadaalad ah ugu shaqayn doono isla markaana Wuxuu Suldaanku Carrabkiisa ku adkeeyey inuu ka shaqayn doono xoogana saari doono sidii uu Deegaankani u heli lahaa wuxuu Dawlada Xaqa ugu lahaa oo ay ugh horeyso Sidii Tuuladan Balaadhan ee Baalidhaye looga dhigi lahaa Degmo Maadaama buu yidhi Suldaanku hore Degmooyin looga dhigay Tuulooyin ka yar yar.

14114004_10154322842102040_1499557411_o

14114484_10154322842277040_1379021247_o

14151920_10154322842167040_69048701_o

14163960_10154322842217040_1806282118_o

14191515_10154322842592040_362743018_o-2