Ma damac shakhsi mise dan qaran; Maantana ma kuwii ayaa mar labaad inoo tumaya durbaanno colaadeed, si ay iskaga hor-keenaan bulsho iyaduba tabaalaysan oo aan waxba kala haysan!

0
579

Ma damac shakhsi mise dan qaran; Maantana ma kuwii ayaa mar labaad inoo tumaya durbaanno colaadeed, si ay iskaga hor-keenaan bulsho iyaduba tabaalaysan oo aan waxba kala haysan!
Qalinkii: Maxamed Sharma’arke

Inline image 1

Dalka waxa kala weyn dantiisa shakhsi, haddii uu waayana waxaa kala fudud dalka oo burbura, isagu dhib kuma qabo haddii ay colaado qarxaan, balse waxa dhib qaba kuwa ma-fikirayaasha ah ee uu isku dirayo (Bulshada). Labada eray ee “Xamar ayuu tegay” iyo “dad ayuu xasuuqay” waa laba eray oo maalmihii ugu dambeeyey dhegaheenna mashquuliyey, waana laba eray oo ay adeegsanayaan rag kursi kala riixanaya oo aan dalkaba u dhalan oo laba ka mid ahi Finland ay muwaadiniin ka yihiin, midna uu Jabuuti muwaadin ka yahay, iskuna sheegay inay u sharraxan yihiin kursigii ayaan-darane ee Madaxtooyada Somaliland. Waxay xoqayaan nabarro bogsaday, waxay qolofta ka ridayaan hadba dhaawac la illaaway, kaliya si ay dantooda ugu qummiyaan, haddii kalena ay dad aan waxba kala haysan iskugu cabbeeyaan oo ay hubka iskugu dhiibaan. Waa kii dalkaaga cunay, dhallin-yartiisa badaha ku daadiyey, hantidii dalkaaga boobay, dadkiisa caydha ka dhigay, ee si walba inoo dhibay, ayaa markii ay cidi la xisaabtami weyday ee uu xuduud kasta soo dhaafay ee ay cidiba iska waabin weyday, maantana doonaya inuu bulshada aan waxba kala haysan ee iyaguba tabaalaha iyo wakhtiga adkaaday la legdamaya uu dhiigooga dhulka ku waraabiyo, isaguna uu daawade ka noqdo ciyaarta dhagarta qabta ee ka socon doonta garoonka uu isagu calmaday. Alleylehe Maansadii Hadraawi ee “Dhahar” ayaa ahayd:

Dhidarkuba xabaalaha
Kuma dhiirradeenoo
Kuma dhaadhaceen ruux
Celin kara dhawaaqee
Markuu meydka dhiilliyo
Dhaq-dhaqaaq ka waayuu
Hore ugu dhowaadaa!

Bulshadu waa meydkaas uu Hadraawi sheegay, siyaasiguna waa Dhidarkaas!
Ayaan-darrada kale ee ummadda haysataa waa dadkii oo aan kala garanaynba qofka iyo qabiilka, haddii qof la caayo dadka qaar ayaa u qaadanaya in qabiil la caayo, lamaba kala garanayo qofkii iyo qabiilkii. Balse haddii aan la waalnayn, way iska caddahay in aanu qabiilku qof ahayn, qofkuna aanu qabiil ahayn! Ta kale, kama sugayno inay is caayaan oo uu midba midka kale wuxuu doono ku yidhaahdo, waaba edaab-darro taasi, balse waxaynu ka sugaynaa inay la yimaaddaan qorsheyaal wax lagaga beddalayo, horumarna lagu gaadhsiinayo ummaddan tabaalaysan ee jah-wareersan. Halkii ay ka ahayd inaynu kula xisaabtanno oo aynu ku kala doorranno qorsheyaasha ay hayaan iyo hadba siday uga run sheegayaan, waxaynu ku mashquulnay uun hebello is caayaya, dalkana hebello is caayayaa maanta ma anfacayaan. Caaddifaddu yaanay indhaha innaga ridin oo aynaan wax walba oo wanaagsanaa u xumayn sidii aynu kuwan u kala taageeri lahayn, kuwani way ina dhaafayaan, innaga ayaana isku hadhayna oo ay wax waliba iskugu keen jiraane! Ogow in wada-noolaanshaha, nabadda iyo qarannimadu ay wax walba ka weyn tahay, qof iyo qofafna aan sinaba loogu miisaami karin, aanay jirinna wax la bar-bar dhigi karo ama lagu dhererin karaa!

Ugu dambayn, markan oo kale xil gaar ah ayaa saaran inta si uun uu ugu hadhay dareenkii dadnimo, si ay bulshada uga bad-baadinayaan dabinnada ay qoolayaan damiir-laaweyaasha qawlaysatada ah ee ummadda iska hor-keenayaa, waayo Balaayo ka hor-tag ayey leedahaye ka daba-tag ma leh! Waxa xilka ugu ballaadhan saaran yahay waa saxaafadda, badankeegu iimmaanka ayey beeshay oo wararka dhiillada leh way u tar-taramayaan, balse inta uu in uun dareenkii dadnimo ku hadhay waxaan kula talin lahaa inay doorkooga ciyaaraan. Culimada, indheer-garadka, aqoon yahanka iyo Salaadiinta intooda sharafta lihi ha is abaabulaan, si looga hor-tago dabka uu siyaasigu hadba gaasta ku darayo. Naar afuufayaasha!

Ilaahay boggeena burcad ha isku mariyo, danteennana ha ina garadsiiyo, maanta waynu wada waalan nahaye!

Qore: Maxamed Sharma’arke
Sharmaake91@gmail.com
Facebook; Maxamed Sharma’arke.