Somaliland Iyo Jabuuti Oo Lix Sanadood Ka Dib, Si Rasmiya Iskugu Furay Xuduudka Ay Wadaagaan

0
306

Somaliland Iyo Jabuuti Oo Lix Sanadood Ka Dib, Si Rasmiya Iskugu Furay
Xuduudka Ay Wadaagaan Dawladaha Somalland iyo Jabuuti, ayaa Shalay lix
sanadood ka dib Xuduudka isugu furay si rasmiya. Dawladda Jabuuti ayaa
xuduudka ay la leedahay Somaliland xidhay sannadkii 2014-tii, ka dib markii
uu Qarax ka dhacay Magaalada Jabuuti. Madaxweynaha Somaliland Md.
Muuse Biixi Cabdi oo safar ku jooga dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa
Shalay soo gaadhay Magaalada Lawyacaddo, halkaasi oo lagu qabtay
Munaasibad soo dhaweyn ahayd isla-markaana bar bilow u ahayd dib u
furidda Xuduudka labada Dal. Madaxweynaha Somaliland oo khudbad ka
jeediyey Lawyacaddo ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya wuxuu yidhi
“Waxaanu Madaxweynaha Jabuuti uga Mahad-celinaynaa inuu la dhameeyay

Dhibaatadii yarayd ee ka taagnayd Waddada gaadiidka, Maantana (Shalay).”
Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay “Waddadu waxay xidhnayd muddo lix
sanadood ah sababo amaan awgood iyo wixii hore u dhacay ee aynu ogayn..”
ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey in labada Shacab looga baahan yahay
“Waajibaadka ina saaran waxa weeyaan Shacabka Somaliland iyo Jabuuti
waa isku mid dhaqan ahaan, Dad ahaan, waa laba Dad oo ilaahay isku dhafay,
isku dhaxay, isku dhalay, wada dhashay..” Madaxweyne Muuse Biixi wuxuu
sheegay in Jabuuti iyo Somaliland wax wada qabsan doonaan “Waxay
noqonaynaa Dawladaha iskugu dhow, wax wada qabsada, dhibaatada iskaga
gurmada, wixii horumar ah wadaaga, oo aynu ka baxno Ra’yigii hore ama
Maskaxdii hore ee Isticmaarku qaybiyey ee ahayd in sharciyada la adkeeyo oo
Dadka xuduudaha lagu dhibo Mustaqbalka waynu ka baxaynaa..”ayuu yidhi,
waxaanu intaa ku daray “Jidkaa haddii la furay waxa inna saaran Masuuliyad
weyn labada dhinacba, masuuliyadda inna saarani waxa weeyaan Dadka aan
xil kaska ahayn ama Maskaxdooda la beddelay ee dhibaatooyinka wada ee
nabadgalyada xumayn kara ee dhinac walba joogi kara.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here