Hoggaanka KULMIYE oo aqbalay murrashaxiin isku sidkan oo Xisbiga ku meteli doona goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee gobolka Saaxil iyo degmada Berbera .

0
366
Wefti katirsan xisbiga KULMIYE oo uu hoggaaminayo guddoomiye saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde, ayaa xalay magaalada Berbera kaga qaybgalay munaasibad ballaadhan oo uu xisbigu ku guddoomayey murrashaxiinta kala ah, mudane Cabdilaahi Cali Xuseen Shaqalle oo u sharraxan golaha wakiillada ee gobolka Saaxil Cabdi Axmed Jaamac (Qaxwe) oo ka sharraxan degmada Berbera, kuwaas oo kamid noqon doona murrashaxiinta xisbiga KULMIYE u tartami doona goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee sannadkan qorshaysan.
Munaasibadda shaacinta murrashaxiintan, ayaa waxa ka qaybgalay waaayeel,waxgarad, madax-dhaqamadeed, siyaasiyiin, dhallinyaro, haween iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu taageerayo, islamarkaana lagu muujinayo cududda iyo taageerada ay murrashaxiintani ka haystaan deegaankooda, waxana halkaas ka hadlay masuuliyiin kala duwan oo xisbiga KULMIYE katirsan, xildhibaanno iyo odayaal dhaqameed kasoo jeeda deegaanka murrashaxiinta.
Masuuliyiin kala duwan oo katirsan xisbiga KULMIYE oo ay kamid yihiin Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Xuseen Aadan-cadde, Afhayeenka xisbiga KULMIYE, Mudane, Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, xildhibaan Siciid Cilmi Rooble iyo siyaasi Axmed Faarax Cadarre oo katirsan guddida fulinta xisbiga KULMIYE oo madasha ka hadlay, ayaa si wada-jir ah usoo dhaweeyey murrashaxiinta cusub ee xisbigu guddoomay.
+27
Robleh Hasan Adar, Ugaas Siciid Xaaji Aadan and 38 others
5 Comments
8 Shares
Like

Comment
Share

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here