Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare] oo ahaa sawir qaade iyo muuqaal duube si weyn looga garanayay magaalada Muqdisho ayaa lagu soo warramayaa in koox hubeysan ku dhax dileen gudaha Studio uu ku lahaa degmada Howl-wadaag.
Qof ay saaxiibo dhaw ahaayeen marxuumka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in rag hubeysan subaxnimadii hore ee saaka ugu taggeen goobtiisa shaqada kaddibna ay halkaa ku toogteen.
Marxuumka ayaa caan ku ahaa duubista xafladdaha kala duwan sida Aroosyada iyo munaasabadaha kale ee leysugu yimaado, hasse ahaatee warar kale soo baxaya ayaa sidoo kale sheegaya in uu si gaar ah u ahaa sawir qaade la shaqeeyay taliyaha ciidanka Asluubta Soomaaliya.
Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatay dilka marxuumka sidoo kalana wali laamaha Amniga dowladda Soomaaliya kama hadal dilka marxuun Cabdiqaadir Maxamed Xasan [Awalad Yare]