Abdilaki Oo Ka Mida Golaha Deegaanka Degmada Burco Ayaa Walaac Ba’an Ka Muujiyay Maamul Xumida Maayirka Iyo Maayir Ku xigeenka Gobolka Togdheer Isago Arimo Badan Kashifay”.”‏

0
362

Burco(Warsugannews)Xildhibaan Abdilaki Oo Ka Midah Golah deegaanka degmada Burco Ahna Kuwooda Loogu Jecel Yahay Uguna Firfircoon Gobolka Togdheer Ayaa Qiray In Gobolka togdheer Ay Ka Jirto Maayir la’aan , Waxaanu xildhibaanku Sheegay In Wax Kasta Oo Wax Loogu Qabanaayo Gobolka Togdheer Oo Goluhu Ansixiyo Ay Leexsadaan Ama Lunsadaan Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa.

Waxa Uu Xildhibaanku Carabaabay In Maanta Magaallada Burco Ay Haysato Maayir Xumadii Abid Ugu Xumay Ee Soo Mara Gobolka Togdheer, Isagoo Sheegay In Golaha Ahaan Ay Diyaar Uu Yihiin wax Kasta Oo Gobolka Togdheer Lagu Horumarinaayo Balse Uu Farta Ku Fiiqay In Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisu Ayna Diyaar Uu Ahayn In wax Horu Mar Ah Laga Sameeyo Gobolka Taa Bedelkeedana Ay Mar walba Jeclaystaan In Ay Fadhiga Ku Cunaan Lacagta Laga Soo Qaado hooyada Suuqa Tamadhada Ku Iibisa .

Dhanka Ka Kale Waxa Uu Xildhibaanu Sheegay In Maayirkii Iibiyay Garoon Lagu Ciyaaro Kubbada Gacanta Kana Qaatay Qadar Lacag Oo Dhan 124 Kun Oo Dollor , Waxaanu Golaha Uu Sheegay In Lagu Samayn Doono Lacagtaa Waddo Balse , Ilaa Imika Ayna Golaha Wax War Kan Hayn Halka La Mariyay Lacagtaas , Tanina Waxa Ay Idin Tusinaysaa In Uu Si Fudud Maayirku Uu Lunsado Hantida Umadda Ka Dhaxaysa Gaar Ahaan Kuwa Ku Nool Gobolka Togdheer.

Iyadoo Uu Dhulkii Danta Guud Ah Maayirka Iyo Maayir Ku Xigeenku Sidaas Uu Xaraashayaan Ayaa Hadana Waxaa Ka Badan lacagaha Ka Soo Golaha Dawlada Dhexe Oo Aan Iyaguna La Garanayn Meel Ay Ku Dhacdo Iyo Meel Uu Ku Shubto maayirku , Waxaana Ugu Danbaysay Tii Uu Madax-waynuhu Ugu deeqay Golaha Ka Dib Markii Aan Uu Gudbinay cabasho Ah In Aanan Haysan bajadkii Lagu Shaqo Gelin Lahaa Shaqaalaha. Ayuu Yidhi Xildhibaanku

Waxaanu Madax-Waynuhu Ugu deeqay Lacag dhan 200 Oo Kun Oo Dollor , Waxaanu maayirku Gebi Ahaanba Lacagtaa Ku Shubtay Jeebkiisa Isagoo Aan Uu Aabo yeelayn Ma Xalaalbaa Mise waa Xaran , Ma Adigaa Leh Mise Shacabka , Taasina Waxay Idin tusinaysaa In Aanu maayirku Haba Yaraate Waxa Rajo Ah Ka Lahayn Inu Uu Gobolka Togdheer Wax Uu Qabto.

Waxaanu xildhibaanku Ku Soo Gunaanaday Baaq Dheer Oo Uu Diray Shacabka Gobolka Togdheer Isagoo Uu Soo Jeediyay In Ay indhaha Ku hayaan Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Isku Bahaystay dhaca Iyo Boobka Hantida Ay Leeyihiin Dad-Waynaha Ku Dhaqan Gobolka Togdheer.

Dhanka Kale waxa UU Shacabka Uu Bayaamiyay In Ka Xildhibaano Ahaan Ay Diyaar Uu yihiin In Ay Wax Ugu Qabtaa Gobolka Cashuurta Laga Qaado Dad-Waynaha Ku Dhaqan Gobolka Togdheer

Balse Wax Uu Qiray Xildhibaanku In Ay Wax waliba Oo La Doonaayo In Laga Hirgelyo Gobolka Ay Hor Taagan yihiin Maayirka Iyo Ku Xigeenkiisa Kana Doorbidayaan In Lacagta Wax Lagu Qabanaayo Ay Iyagu Jeebka Ku shubtaan Si Baalmarsan Sharciga Iyo Qanuunkaba .” Ayuu Yidhi Xildhibaanku

warsugannews

warsuganmedia@gmail.com

Burco

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here