ABIY AHMED IYO DAWLADA ETHIOPIA HADII AY RABAAN SOMALIWEYN IYAGUNA HA KA TANAASULAAN SOMALIDA ETHIOPIA !

0
852
ABIY AHMED IYO DAWLADA ETHIOPIA HADII AY RABAAN SOMALIWEYN IYAGUNA HA KA TANAASULAAN SOMALIDA ETHIOPIA !
Waxa aan daawanayay hadalka Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo u dhignaa sidii wax culeys lagu saarayo in Farmaajo Hargeisa yimaado oo uu wado Raisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed Ali , hadalkaasi oo ah mid la yaab ah isla markaana aan aheyn mid qabta dadka iyo dawlada Jamhuriyada Somaliland.
Haddaba Somaliland iyo Somalia oo isku biiray qadiyada Somaliweyn way ka waynayd waxaana ay ahayd in Somalida Geeska Africa degani hal dawlad isku noqdaan , Soomaalidaasi oo kala ah Somaliland, Somalia , Djibouti, Somalida Ethiopia iyo Somalida Kenya , waxaana ay ahayd rabitaan shacab oo xiligaasi taagnaa 1960kii.
Maantana hadii ay hal dawlad isku noqonayaan Somalida ku nool Gobolka Geeska Africa iyaga ayey u taalaa , waana go’aan shacbigu leeyahay waxaana suuragal ahba in ay xili xiliyada ka mid ah ay dhici karto , ha yeeshee marka maanta la eego xaqiiqada iyo marxaladaha lagu kala sugan yahay taasi maaha wax fudud oo si degdeg ah u iman karta waxaana ay qaadanaysaa wakhti dheer hadii ay dhacdoba weeyaane .
Marka aynu u soo noqono qadiyada Somaliland iyo Somalia dhex taalay maaha kaliya cadho , xasuuq iyo mansabyo la kala tirsanayo iyo waxii dhex maray dawladihii Somalia iyo Somaliland ama jabhadii xaq u dirirka ahayd ee SNM, ee waa wax aad uga weyn isla markaana ku fadhida masalo sharci ah iyo qawaaniinta caalamku wada dhigtey ee dawladnimo aan isir iyo abtirsiin midna ku dhisnayn.
Somaliland 1885kii ilaa 1991kii waxa ay soo gashay halgano badan oo kala duwan oo magacyo kala duwan leh oo ay ku dooneyso in ay gobanimadeeda iyo dawladnimadeeda u madax banaanaato , halganadaasi midho dhalkoogii ayey ku taagan tahay Somaliland, sumad ahaan iyo magac ahaana waa dalkii xornimada ka qaatay dawladii ingiriiska 26 June 1960 kii oo aduunka oo dhami wada og yahay marka taariikhda dib loo raaco.
Waxa xusid mudan in Madaxwaynihii hore ee dalka #Kenya Mwai Kibaki xili wafti Somaliland ah uu la kulmay uu xubno golihiisa wasiirada ah ku yidhi #Somaliland miyaad garaneysaan ? Niman dhalinyaro ah ayaad tihiin e Somaliland waxa ay ahayd dawladihii ugu hor xoroobay Africa sanadkii xornimada 1960kii.
Haddaba waxa muhiim ah in la fahmo waxii la odhan jiray #Somaliweyn oo ahayd in 5ta soomaaliyeed calan iyo ciid maamul qudha wada yeeshaa ka taliyo , waxa ay dhicisowday markii ay isku biireen labadii ugu horeeyey ee British Somaliland protectorate iyo Italian Somalia oo ay sameysteen dawladii la odhan jiray Jamhuuriyadii Somalia 1 july 1960 kii , taasi oo burbirtay 1990kii.
Jamhuriyada Somalia waxa ay jirtay 30 sanadood , soddonkaa sanadood ba Somaliland halgan bay u ahayd oo waa kii inqilaabka ay isku dayeen reer Somaliland 1961kii ee uu ka fashilmay , ilaa maalintaa ilaa 1991kii oo la saxay khaladkii dhacay dadka #Somaliland waxa ay u ahayd halgano kala duduwan oo lagu oo celinayo dawladnimadoodii , saddexdii Somali ee kalena waxa ay arkeen midnimadii midhaheegii in uu bislaan waayey oo hakadkii ay galeen ayey midwaliba danaheega raacatay.
Qaladaadkii dawladii Somalia gashay ayaa waxa ka mid ahaa in ay tidhaahdo dhul soomaaliyeed ayaan xoog ku soo xeraynayaa oo ku qabsanayaa maadaama aan Somaali dhulka xoog lagaga qaadin ee dawladihii gumeysigu sharci iyo qalin ku qaybiyeen , taasi oo u baahneyd hadii la rabo in la soo celiyo in loo maro wadooyin sharci oo dadka soomaaliyeed ee Ethiopia na ay iyagu iskood xornimada u helaan Somalida Kenyana sidaa si la mid ah , hadii ay dalalkaa ka mid ahaanayaana rabitaankooga kaga mid ahaadaan.
Haddaba hadalada iyo siyaasadaha Geeska Africa iyo Ethiopia ka socda ayaa hadii ay yihiin in Somaliweyn la sameeyo waxa shuruud ah in sadexda dal ee Ethiopia, Kenya iyo Djibouti laba ka mid ahi ka tanaasulaan gobolada somalida ee dalalka Kenya iyo Ethiopia ka sadexaad oo Djibouti ahina ha ka tanaasulo dawladnimadiisa si loo yagleelo somaliweyn.
Hadii ay suuragalayso waa wax wanaagsan Somaliland na waxa ay noqon doontaa iyada oo waliba ka fiirsanaysa dalka ugu dambeeya shanta Soomaaliyeed waaba hadii ay u aragto in ay dan u tahay e , hadii kale ma jirto xal ka dhow Somaliland iyo Somalia oo labadii dawladood ee ay ahaayeen 1960 kii kala noqda , is kaashada kana wada shaqeeya horumarka Gobolka Geeska Africa .
Maantana #Somaliland iyo #Somalia 30 kii ay mideysnaayeen ee waliba aan lagu calool fayoobayn soddonka sanoba ee halganadu socdeen , soddon la mid ah ayey kala maqan yihiin oo wax yar oo koobani ka hadhay , markaa sabab midnimo labadooda ah loo raadiyaa ma jirto oo intii la wada jirayba la isku seegay , ee waxa ka dhow laba dal oo walaalo ah oo sidaa #Ethiopia iyo #Erateria jaar ah in la noqdo oo la is kaashado , si gobolkani aynu ku noolahay ee Geeska Africa na u noqdo mid horumar gaadha oo Africa iyo aduunka kale hiigsada.
Aragtidayda

Muxamed Dhimbiil

Tell : +252634429221