Abwaan maxamed ibrahim warsame – hadraawi iyo maanso cusub

0
1989
Poet and living legend, Hadraawi, at Hargeisa International Book Fair 2013, Somaliland. Photo by Kate Stanworth

abwaan maxamed ibrahim warsame – hadraawi iyo maanso cusub

Waa maanso cusub oo la magac baxday “Mayal-dheer” oo uu curiyey abwaanka caanka ka ah dhulka Somalidu degto Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi). Ka bogo!
Waa maanso aan odhan karo waa dacwad dadka lagu xusuusinayo aakhiro oo qiimo aad u balaadhan xanbaarsan, waxaanay ka turjumaysaa sida uu Mujaahid Hadraawi uga qayb qaadanayo wacyi-galinta ummada Islaamka ah gaar ahaan kuwa ku hadla afka Somaliga. Waxa kale oo ay wacyi-galin ka tahay bahalka dhibka badan ku haya Somalida ee loo yaqaano qaadka iyo sida loo dayacay xaasaskii laga masuulka ahaa.

Maansadina waa tan ee u dhugma yeesha. Waxna ha lagu qaato.

Noloshu waa madawdahay
Marin seegan baa yaal
Mahadhooyin baa yaal
Iyo maado farabadan
Maya iyo mayaa taal
Maya iyo wir baa taal
Muruq iyo car baa taal
Mukur iyo qab baa yaal
Ismaroorin baa taal
Makri iyo dhac baa yaal
Mixnad iyo shil baa yaal
Makal iyo dil baa yaal
Mallaf iyo dulmaa yaal
Madfac iyo hub baa yaal
Dhagar iyo mir baa taal
Maryo dhiig leh baa yaal
Midib iyo xin baa yaal
Marre iyo fal baa yaal
Musuqmaasuq baa yaal
Marag beena baa yaal
Macsi iyo kufraa yaal
Dhir la muudsadaa taal
Shar la miisto baa yaal

Macaluul cas baa taal
Jahli macalinaa yaal
Dadku inay masoobaan
Maskax diidan baa taal
Maya dhago la’ baa taal
Wixii maal la dhaqan jiray
Murugay la tuban tahay
Dhirtu wayska mudantahay
Mar maroorku farabaday
Laga furey marriinkii
Ubixiyo magoolkii
Allaylehe marduufkii
Cunay maahirtaydii
Iyo may cas-kaygii
Macal iyo wankii raas
Iyo maydalkii raan
Qudhac iyo maraagii
Milliqsuu ku shidayaa
Cirka mooyi waxa jira
Mayaygiyo gudgudihii
Meexaanihii daa.
Dadku waxay ka maydheen
Madadkiyo hufnaantii
Milgihii dalaysnaa
Malmalbay u shidayaan
Ninka maratidiisii
Culustiyo min-weyntii
Mijin bay gadaysaa
Isna miiladiisii
Merfesh buu la joogaa
Makastiyo haweenkii
Milic bay hadhsanayaan
Mugdi bay ifsanayaan
Ragna maah ka badin waa
Iyo meheradii jaan
Ku masuug xilkiisii
Murti iyo hal hays iyo
Maahmaahihii daa
Marka uu had iyo jeer
Ku mergado su’aalaha
Dadku ay maldahayaan
Marmarsiiyo doondoon
Dayaxiyo maluugaha
Masanuun ku faalee
Hadba gaajo fara madhan
Markab luula waydii
La fogaa mirqaankii
Talo waysla maqantahay
Rabina tiisu waa meel
Waxay meeris fagantaba
Waxay meysi ruqantaba
Waxay mooro dumisaba
Waxay moysin debecdaba
Waxay muunad rogantaba
Waxay sii maldahantaba
Waxay sii murmurugtaba
Waxay sii murkacantaba
Waxay qooq makalantaba
Waxay maag ku dhimataba
Waxay miino jarataba
Waxay muumin qalataba
Waxay meyd ku orisaba
Waxay mawd ku durugtaba
Miyirkay xasaysee
Hadaan maanku soo noqon
Mucjisaa sugaysee
Ninka mooganaantaas
Ku xasila ismoodsiis
Malihiisu waa been
Inta maalin baqasho leh
Ta u maan gilgilid badan
Muddadeeda shiranta ah
Mayalkeeda dhaadheer
Manjo-daalay fuliyaan
Allaheedu madal yahay
Nin maqnaaba sugi jiray
Oo markhaatigeedii
Mursalkiyo rasuulkii
Mahad loogu gogol dhigay
Dayaxeeda muuqdaa
Nebi muxamed sii yahay
Marinada la kala xigo
Labadeeda kala mudan
Ninka muumin sheegtaa
Dhanka midig ku sugan yahay
Iyadoo malcuunkii
Todobaatan midab lihi
Macna yare la odhan jiray
Murtad iyo dhal shaydaan
Iyo mukhawiyiintii
Dhanka bidix u meersaday
Madal laysu soo baxay
Warba mooyi laga yahay
Mahadhiyo ladh toosiyo
Waxa maangad dhacayaa
Miyir doorsan dhaliyeen
Mahwi aan la kala hoyan
Milic aan hadh laga galin
Maro iyo kab loo sedan
Mucsur lagu quturanyahay
Sida mallow usoo baxay
Maqrib dumay dhir maygaag
Naxdin lala madow yahay
Ishu dhiilo mudan tahay
Wajigeedu Milan yahay
Marwo iyo dhabeel iyo
Laga yimi miyaradii
Iyo mudanayaashii
Marta loo furfuri jiray
Mindi iyo tolaaydii
Iyo muusanawgii
Mirta looga kici jiray
Ma dhantahay docdoodii
Mahuraanku kala naxo
Rag ninkii wax miran jiray
Miismiisan jiray ciin
Iyo mur iyo deebaaq
Muhashadu u baaqayn
Dhal magaalo kulushahay
Mallayada naftiisa ah
Magac iyo hankiisii
Nina maal ku furanayn
Qofba meel ku luran yahay
Kashu maayad ruxantahay
Marmaroortu lurantahay
Garashadu muduci tahay
Runtu soo mutuxan tahay
Nin muraad ka xidhanyahay
Maxarashoonku sugayaa
Danta waw min tiriyaa
Muslinow dharaartaas
Amarkiyo mug-weynta ah
Nina malab ka dhabaqsaday
Nina dacar ka muudsaday
Maqal yaanay kugu noqon
Ha lumin muftaaxii
Furi-jiray martabadaha
Mahadoodu badan tahay
Naftu macandi weeyee
Male hawgu sahan tegin
Ha ku daalin meermeer
Waligaa ha muunayn
Madhantiyo xagxagatada
Jinka ha u muraad qumin
Yaan masuuga shaydaan
Milicsiga aduunkiyo
Madadaalo kugu hodin
Noloshana kas iyo maan
Miyir sugan ku doondoon
Muslinow ha xaalayn
In munaafaq jecel yahay
Haysku milin shar iyo khayr
Midabad iska ogow
Lagu naco masuuskiyo
Qofka geed ismariska ah
Hana noqon mashkadahaa
Xanankiyo maduunka ah
Midho geed ku wada yaal
Madi iyo magayno ah
Ha ku ridin ismaandhaaf
Madax iyo minjaa sida
Madmadaw ha kala galin
Maxastaada waligaa
Mijin hawga roonaan
Mitid noqo abaabulan
Iyo lagama maarmaan
Marwadiisu jeceshahay
Ubadkiisu meel dheer
Uga soo mashxaradaan
Majaraa ha sii dayn
Rabbi loogu maqan yahay
Inaad muuqa qudha tahay
Mahad inaad ku nooshahay
Labadaasna kala miyo.

Dhamaad

yaasir br