Afar Qof Oo Ku Dhintay Weerarkii Xarunta Kongareeska + Twitter-ka Iyo Facebook Oo Xannibay Akoonka Trump Iyo Wararkii Ugu Dambeeyay

0
297

Haweeney ayaa lagu soo warramayaa in lagu toogtay weerarkii lagu qaaday dhismaha Capitol ee magaalada Washington, kaddibna dhaawac soo gaadhay ay u geeriyootay. Sidoo kale saddex qof oo kale ayaa la sheegay inay ku dhinteen weerarkaas, kuwaasoo kala ahaa haweeney iyo labo nin.

Mudanayaasha labada golle ee Maraykanka ayaa dib u bilaabay kulankoodii iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in laga yaabo in awooda laga xayuubiyo Trump oo sikumeel gaadh ah loogu wareejiyo ku xigeenkiisa Mike Pence.

Kulankan ayaa dib loogu bilaabay in lagu xaqiijiyo natiijada rasmiga ah ee doorashadii ka dhacday bishii november ee sannadkii hore.

Mudanayaal ka tirsan xisbiga Jamhuuriga ayaa soo jeediyay in bedelkii 25aad lagu sameeyo dastuurka Maraykanka.

Qaar kamid ah saraakiisha Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa lagu wadaa inay is-casilaan.
Shirkaddaha Twitter,Facebook iyo Youtube ayaa ka saaray qoraalo iyo muqaaladii uu soo dhigey Trump.

Twitterka ayaa 12 saacadood ka joojiyay Trump inuu qoraalo soo dhigo iyadoo uu caan ku yahay Trump soo dhigista twitterka qoraaladiisa.

Weerarka lagu qaaday Aqalka Congresska ayaa ah kii ugu horeeyay tan iyo sanadkii 1812kii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here