Afhayeenka WADDANI oo soo Jeediyey in Cabdiraxmaan Aw Cali loo Dhiibo Xilka Guurtida Marka uu Kursiga  Guddoomiye Saleebaan

0
1063

Afhayeenka WADDANI oo soo Jeediyey in Cabdiraxmaan Aw Cali loo Dhiibo Xilka Guurtida Marka uu Kursiga  Guddoomiye Saleebaan

 “Sawira uun iyada oo sidan ah: Madaxweyne Hargeysa ah, Guddoomiye Wakiillo oo Laas-caanood ah, Guddoomiye Guurti oo Boorama ah, Guddoomiye Maxkamadda Sarre oo Gabooye ah”

 

Hargeysa (WMG)- Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun oo ka mid ah dhallinyarada aqoonyahanka ah ee ku jira saxaafadda siyaasadda Somaliland, ayaa soo jeediyey in Madaxweyne-ku-xigeenkii labaad ee Somaliland Muj. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax loo dhiibo xilka Guddoomiyenimo ee Golaha Guurtida Somaliland marka uu kursigaas banneeyo Guddoomiyaha hadda xilka haya Md. Saleebaan Maxamuud Aadan.

Qoraal uu Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun ku faafiyey baraha bulshada (Social media), gaar ahaan barta facebook-giisa maanta (Axadda, 05 July 2020), waxa uu ku soo bandhigay aqoonta uu u leeyahay Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax oo uu xusay inay muddo toddoba sanno ah Jaamacadda Hargeysa ku soo wada qaateen labada kulliyadood ee culuumta sharciga iyo xallinta khilaafaadka, isagoo xusay in Mujaahidku yahay oday waayo-arag ah oo si fiican ugu habboon xilka Guddoomiyaha Golaha Guurtida.

Qoraalka Garyaqaan Barkhad Jaamac Batuun soo saaray oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan;

“Mujaahid Madaxweyne Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax toddoba sanno ayaan fursad qofeed u helay in aanu labada kulliyadood ee Sharciga iyo xallinta khilaafadka ka wada dhigannay Jaamacadda Hargeysa, isaga oo ah Madaxweyne ummadda u soo adeegay, isaga oo da’ ahaan naga weyn, isaga oo Jaamacadda hore ka soo baxay, isla jeerkaana leh waayo-aragnimo siyaasaddeed iyo mid ciidan.

Wuxuu noo ahaa saaxiib weyn, walaal, wehel iyo waalid fursad na siin jiray, waxaannu ahayn fadhi-wadaag shaah iyo sheeko dhex marto mar kastoo firaaqo aanu helno xilligii ardaynimo. Waa qof tawaaduc iyo is dhul dhig badan oo aan qab iyo kibir qofeed lahayn, shakhsi macaan oo dammal ah, haybadna Alle siiyay. Talo-qabeen dad isku wad leh, taariikh-yahan aanad ka dhergayn maalmihii meertada nolosha ee uu soo maray badankooda.

Aragtidayda shaqsiyadeed, waxaan qabaa in uu maanta yahay qofka ugu mudan ee hoggaamin kara Golaha Guurtida Jamhuuriyadda Somaliland markay dhammaato muddo xileedka guddoomiyaha hadda jooga Mudane Saleebaan Maxamuud Aadan oo runti muddo dheer qaranka u shaqeynayey, ahna oday weyn oo muxtarim ah iyo siyaasi ruug-cadaadi ah.

Mujaahid Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax waa halgamaa dalkan xorreeyay, waa halyeey hoggaamiyey masiirka siyaasaddeed ee ummaddan, waa oday dhaqan-yaqaan ah, waa nin aan godob reereed laheyn, waa nin aanay Somaliland wax uga sarreeya jirin, waa nin aqoon sharci iyo mid xallin khilaafeedba leh.

Waa nin edeb iyo afgaabni ku caanbaxay, waana nin maalinta ay adkaato lagu baxsado talo qabeenimadiisa, ayaamo adagna bad-baadinta qaranka qallinka taarikhda ugu qoran, gaar ahaan muddooyinka ay jireen khilaafadka siyaasaddeed ee xisbiyada iyo Xukuumadihii dalka soo maray, waana nin bilcin kara sawirka siyaasadeed ee saami-qeybsiga Somaliland.

Sawira’uun iyada oo sidan ah:

Madaxweyne Hargeysa ah, Guddoomiye Golaha Wakiillo oo Laas-caanood ah, Guddoomiye Guurti oo Boorama ah, Guddoomiye Maxkamadda Sarre oo Gabooye ah,” ayuu yidhi Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md. Barkhad Jaamac Batuun.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here