Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Oo Kormeeray Waddada Afarta Haad Ah Ee Badhtamaha Hargeysa Oo Loo Sameeyey Biyo-mareenno.

0
630

Agaasimaha Guud Ee Madaxtooyada JSL Oo Kormeeray Waddada Afarta Haad Ah Ee Badhtamaha Hargeysa Oo Loo Sameeyey Biyo-mareenno.

 

Hargeysa-23-03-2021-(WMG)-Agaasimaha guud ee madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cali Bile, ayaa maanta kormeeray Waddada wadnaha ee badhtamaha caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo ballaadhin lagu wado, islamarkaana maanta la dhigay biyo-mareenno cusub.

 

Agaasime Maxamed Cali Bile, waxa uu halkaas kula kulmay hawl-wadeennada gacanta ku haya waddada wadnaha ee badhtamaha caasimadda oo dhigaya biyo-mareenno cusub oo fududaynaya biyaha waddada kusoo dhacaya xilliyada roobabka, islamarkaana wax weyn ka taraya tayada mustaqbal iyo bilicda waddadaasi yeelan doonto.

 

Sidoo kale, waxa uu agaasimuhu kormeerkiisa kusoo maray Biriish cusub oo laga dhisayo dhinaca Koonfur-galbeed ee madaxtooyada cusub, kaas oo fududayn doona isu socodka caasimadda, isaga oo sidoo kalena soo indho-indheeyey xarun weyn oo lagu farsameeyo  tuunbooyinka shubka ah oo loo isticmaalayo biyo-xidheennada waddada wadnaha ah la dhigayo.

 

Waddada wadnaha ah ee badhtamaha caasimadda marta oo in muddo ah socotay, ayaa waxa iska kaashanaya madaxtooyada Somaliland iyo dawladda hoose ee Hargeysa, waxana ku socoto ballaadhin iyo casriyey lagaga dhigaya mid la jaanqaadda quruxda iyo koritaanka caasimadda Hargeysa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here